Badhasaabka Sool Oo Shir La Qaatay Isu-duweyaasha Gobolka

0
481

Laascaanood (Dawan): Shirkii isu-duwayaasha gobolka Sool ee maanta ayaa laga hadlay adkaynta nabadgeliyadda iyo wacyi gelinta la xidhiidha sidii looga hortagi lahaa xanuunka Corona Virus.

Shirkaasi oo ka qabsoomay xarunta maamulka gobolka Sool waxaa shir-guddoominayay badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe.

Badhasaabka Sool ayaa ka warbixiyay waxyaabihii ay shirka kaga hadleen iyo qodobadii ka soo baxay.

Waxaanu yidhi, “Iyadoo waajib naga saaran yahay adkaynta amniga gobolka waxaanu lafa gurnay sidii loo adkayn lahaa amniga loogana hortagi lahaa cadawda ku mashquulsan khalkhalgalinta amniga.

Iyadoo ay laf-dhabar u tahay sidii isuduwayaashu kow uga noqon lahayeen inay isha ku hayaa waxkasta oo amniga wax yeelo ku ah iyagoo adeegsanaya shabackooda kana difaacaya dhagarqabayaasha aan ogolayn in shacabku ku seexdo Nabad iyo Badhaadhe.

Ugu danbayntii waxaanu isla garanay in meel looga soo wada jeesto waxkasta oo amniga gobolka wax u dhimaya”.

Geesta kale C/qani Maxamuud Jiidhe, oo hadalka sii watay ayaa sheegay arrinta kale ee ay shirka isu-duweyaasha ku lafo gureen ay ka mid ahayd sidii bulshadda looga wacyigelin lahaa xanuunka Corona Virus.

“Waxa kale oo aanu aad u lafa gurnay sidii bulshada looga wacyi galin kahaa Xanuunka CORONA VIRUS, oo aduunka oo dhan saamayn wayn ku yeeshay.

Iyadoo aanu warbixin ka dhagaysanay isuduwahaha wasaarada Caafimaadka isagoo ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay wacyigalinta bulshadu si looga hortago Caabuqan aadka u faafaya iyadoo la fulinayo awaamiirtii Gudida heer Qaran ee ka hortaga cudurka CORONA VIRUS”ayuu yidhi badhasaabka Sool.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Ugu danbayn waxaanu isla meel dhiganay in Bulsho waynta reer Sool ay ka qayb qataan waxkasta oo wax u dhimaya Horumarka, Caafimaadka iyo Nolosha dadka reer Sool”.

 

 

Dawannews.com/Hargaysa Somaliland.

 

Leave a Reply