Urur WADDANI ah oo ku baaqay in la sameeyo Sharci lagu xakameynayo muwaadiniinta hagar-daameeya qaranka

0
827

Ururka la baxay xoojinta Qaranimada Somaliland oo loo soo gaabiyo (UXQ), ayaa soo jeediyey in sharci laga soo saaro muwaadiniinta caadeystay hagar-daamaynta Qaranka, isla markaana laga qaado talaabo.

Ururkan oo ay aqoonyahan reer Somaliland ku aasaaseen dalka sanadka 2020, isla markaana ah dhaqdhaqaaq Waddani ah, ayaa war-murtiyeed uu soo saaray oo ay ku saxeexan yihiin Guddoomiyaha iyo Afhayeenka Ururkaasi, waxa ay kaga digeen dhaqanada lidiga ku ah Jamhuuriyada Somaliland ee siyaabaha kala duwan loogu maleegayo suuldaaraynta jiritaanka iyo horumarka dalka.

Ururkan ayaa goleyaasha xeer-dejinta iyo fulinta ku adkeeyey in ku-dhaqanka shuruucda dalka laga horaysiiyo wax kasta .

Baaqa Ururka UXQ oo sumadiisu ahayd 2020/316/JSL, soona saareen 22 bishan March, ayaa u dhignaa sidan:

URURKA XOOJINTA QARANIMADA JAMHURIYADA SOMALILAND IYADA OO UU AYIDSAN YA HAY go’aamaddi Shirarkii Beelaha Somaliland ee Burco ee 27, kii April ilaa 5tii May 1991kii ee lagula soo noqday madax-bannaanida laga soo bilaabo 18 May, 91kii;

IYADOO UU KA SHIIDAAL QAADANAYO, Shirweynihii Guurtida Beelaha Somaliland ee Boorame ee 24kii Jeenawari ilaa 25kii May 1993kii ee lagu guddoonsaday Axdiga Qaranka,

IYADOO UU WAAYQ-ARAG U YAHAY Diyaarintii, dhamaystirkii iyo u codayntii Dastuurka JSL iyo guusha gooni isutaaga;

IYADOO UU WAAYO-ARAG U YAHAY, cidhib-xumada iyo dhibaatada xukunka ku dhisan talo-maroorsiga iyo keli-talisnimada ee dalku ku soo jiray muddo 30 sannadooda ah oo uu Soomaaliya kamid ahaa, kana feejigan dib-u-soo noqoshada xukun noocaas ah iyo midnimo dal kale oo lumisa gobanimada qarankan;

IYADOO UU XUSUUSAN YAHAY, halgammadii isdaba jooga ahaa ee shacbiga illa daraawiishtii iyo culimadii Somaliland dalka u soo galeen,

IYADOO UU MAANKA KU HAYO, halgankii kululLaa ee isbahaysigii ururka SNM hogaaminayey u soo maray dib-ula-soo noqoshada madax bannaanida ee loo huray naf iyo maalba si loo helo nidaam dawladeed oo ummadda nasteex u ah, dimoqradina ah;

IYADOO UU HIGSANAYO, dawladnimo ummadda wada deeqda, oo Ia mahadiyo, kuna dhisan sinnaan iyo caddaalad;

IYADOO UU YAQINSAN YAHAY, in lagu gaadhi karo deggenaansho iyo xasillooni waarta, Ia isna-waafajiyo dhaqan-maamuleedka dalka iyo caqiidada ummadda;

IYADOO UU AAMINSAN YAHAY, in ummadda Somaliland tahay qoys wax walba wadaaga sida Diinta, dhaqanka, caadooyinka iyo afka;

Ururka Xoojinta Qaranimada Somaliland wuxu camabaaraynayaa cid kasta oo isku dayda, malleegta, mu’aamaradaysa, jiritaanka qaranimada jamhuuriyada Soimaliland.

Wuxu UXQS si adag u difaacayaa Jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland, waxaanu Baaq midaysan u dirayaa, cod dheerna Ku gaadhsiinayaa Ummada iska leh Jamhuuriyada Somaliland sida ku qeexan xuduuda qaran ee Dhulled, Badeed iyo hawaba in meel looga soo wada jeesto fikrad kasta oo furaysa baaba’a qarankan, iyadoo si mida dhamaaan looga hartagayo isku-day kasta mid qof, qabiil iyo qarran kale oo hadimeynaya qarrankan. Ha ahaato fikrad , cod, iyo gacan intaba.

Ururkani wuxuu Maal, naf iyo maskaxba ku wacyigalinayaa in muwaadiniintu ka foogaadaan si xun u dhaqanka qabyaaladaysan .
ugu damabayn, ururku wuxuu usoo jeedinayaa hay’addaha sharciga ah, sida wakiilada, golaha Guurtida, Hogaanka dalka iyo Golaha wasiirada , in la soo saaro sharci lagu xakamaynayo muwaadiniinta reer somaliland ee si cad ugu badheedhaya Duminta qaranka, maxkamadna la soo taago goorkasta iyo qofkasta.

Wabilaahi Tawfiiq
XGXQ
Guddomiyah UXQ Somaliland
Md. MohamedAhmed
Afhayeenka Ururka Xoojinta Qarranimada Somaliland
Mr. Ahmed Abdi Ibrahim
Email:Boqor2010@gmail.com

Leave a Reply