Dr. Maxamed Fadal oo ka huleellay Xisbiga WADDANI,sababtu maxay tahay?

0
469

Hargeysa (Dawan)- Xoghayihii hore ee arrimaha dibada xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Maxamed Cismaan Fadal, ayaa sheegay in uu si rasmi ah isaga casilay xubinimadii guddiyada fulinta iyo golaha dhexe ee xisbigaasi oo uu ku sii jiray markii uu ka degay xilka xoghayaha khaarajiga.
Tiro xoghayeyaal iyo saraakiil kale isugu jira ayaa hore uga baxay xisbigaasi tan iyo wixii ka dambeeyey Doorashadii Madaxtooyada ee qabsoontay 2017-kii.
Dr Maxamed Cismaan Fadal oo waraysi siiyey Telefishanka Horyaal Axadda maanta, ayaa sheegay in uu door biday in uu ku soo laabto saaxada dhexdhexaadnimada iyo kaalintii uu hore bulshada ugu jiray.
“Xilkii Xisbiga ee Xoghayaha Arrimaha dibedda si rasmi ah ayaan u wareejiyey, Faadumo Siciid baa loo Magacaabay, muddadii ay Faadumo qabatay ayaa iigu dambaysay xilkaa, Xisbiga kamaan bixin ee waan ku jiray, waxaan ka mid ahaa Goleyaashiisa oo dhan, Golaha dhexe ayaan ka mid ahaa, guddiga fulinta ayaan ka mid ahaa, hoggaanka Xisbiga ayaan ka mid ahaa”ayuu yidhi Dr Fadal.

Dr. Fadal ayaa sharaxaad ka bixiyey sababta uu uga baxay xisbiga “imika waxaan doonayaa in aan Xisbigii iyo Ummaddaba inaan si buuxda iskaga casilay Xubinnimadii Xisbiga iyo Goleyaashiiba, oo aniga oo aan Dalka wixii aan u qaban jiray aan dhimayn aan qaybtaa aan ku jiray ee dhexdhexaadka ah aan xooga saaro, tii cilmiga ha ahaato, tii Cilmi-baadhista ha ahaato iyo shaqooyinkii arrimaha bulshada ha ahaato, ama tii dimuqraadiyadda riixisteeda ha ahaato oo aan malaha kagama manfac badnaa”.

Dr Maxamed Cismaan Fadal waxa kale oo uu taageeray, in lagu dhaqmana uu soo jeediyey heshiiska ay Madaxweynaha iyo hogaamiyeyaasha asxaabta qaraku ka gaadheen arrimaha doorashooyinka.
Waxa uu tilmaamay muhiimada ay Komishanka Doorashooyinku u leeyihiin saaloonida nidaamka dimuquraadiga ah ee dalku ku dhaqmo.
“Dimuqraadiyadda aynu dhisaynay curdin bay ahayd, rukunadeeduna waa doorashada, rukunka doorashadu ku fadhidaana waa Komiishanka. Komiishanku waa maxkamad, Komiishanku waa Cadaaladdii, waa kalsoonidii.
markaa Taladii berigii dhawayd la soo wada fadhiistay ee la wada saxeexday ee Caalamku inoogu yimid wax ceeb ahi kuma jiraane ee Madaxweynaha iyo Xisbiyadu ku wada saxeexdeen, waajibka innaga saarani waa inaynu taas uun kaga dhabayno, talo ka wanaagsan oo la heli kari lahaa ma jirto”.
Maaha masuulkii ugu horeeyey ee iska casilay Xisbigaasi xil uu ka hayey amma xubinnimadiisa muddo ku siman lixdii bilood ee u dambeeyey, hase ahaatee waxa hore xilalkii iyo xubnimadiiba isaga casilay Xoghayihii isaga kala wareegay Arrimaha dibada oo ahayd Faadumo Siciid iyo Xoghayihii Duulista Hawada Nuuradiin Diini oo labadooduba wakhti aad isugu dhow ka hulleelay.

Leave a Reply