Somaliland oo laga xusay Maalinta Biyaha adduunka iyo Hal-ku-dhiga Sanadka

0
607

Laba qodob oo ay xuska Maalinta Biyaha uga faa’idaysatay Somaliland …hoos ka Daawo Muuqaal

Hargeysa(Dawan)-Magaallooyinka waaweyn iyo degmooyinka dalka waxa maanta lagu qabtay munaasibado lagu xusayo maalinta Biyaha adduunka oo ku beegnayd axaddii shalay, balse maanta loo xafladeeyey, maadaama ay shalay ku beegnayd fasax qaran.

Munaasibadahan waxa qabanqaabisay Wasaaradda horumarinta Biyaha oo dawladda u xilsaaran maamulka iyo maaraynta Biyaha.

Hal-ku-dhiga sanadkan ee xuska maalinta Biyaha ayaa waxa caalamka oo dhan loo qaatay Isbedelka Cimilada iyo Biyaha, iyadoo aad xoogga loo saaray nadaafada iyo fayo-qabka biyaha.

Mid kamida munaasibadaha xuska maalinta Biyaha oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Biyaha, oo ay ka qaybgaleen madaxda Wasaaradda u saraysa, madax-waaxeedyo, wakiillo ka socday Hay’adda la shaqeeya Wasaaradda iyo marti-sharaf kale, ayaa waxa lagaga dhawaaqay qorshe ay wasaaraddu u diyaarisay ka-hortaga cudurka dunida asiibay ee Corona Virus.

qorshahaasi oo ah Agabka biyaha lagu kaydiyo oo lagu xidhay qasabado iyo nadiifiyeyaal kala duwan, kaasoo laga dhigayo Jeelasha, Cisbitaalada, xarumaha Karatiilka soo gelaytiga ee xuduudaha iyo madaarrada,sida ay masuuliyiinta wasaaraddaasi sheegeen.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Biyaha Axmed Cabdi Ismaaciil, ayaa sheegay inay wasaarad ahaan iyagoo fulinaya waajibkooda maareynta iyo maamulka biyaha, ay dedaal ugu jiraan sidii ay dalka oo dhan u gaadhsiin lahaayeen biyo nadiif ah.

Agaasimaha ayaa intaasi ku daray in ay qorshe wakhti dheer ah iyo mid dhow u diyaariyeen haqab-tirka biyaha ee bulshada iyo in ay wakhtigan door muhiim ah siinayaan ilaalinta nadaafada iyo sugnaanshiyaha biyaha.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Biyaha Maxamed Muuse Diiriye oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in ay gaadiidka biyaha qaada iyo agab isugu jira tawaangi iyo jeermis-dileyaal u kala dirayaan gobolada dalka, gaar ahaan kuwa leh xuduudaha dalka laga soo galo.

Wasiirka ayaa tillmaamay in howlgalkaasi ay wasaaraddiisu kaga qaybqaadanayso ka hortaga caabuqa Corona virus, isagoo ku amray madaxda wasaaradda ee gobolada in ay la shaqeeyaan kooxaha ka hortaga Corona virus ee gobol kasta.

Xaflan ayaa intii ay socotay waxa lagu soo bandhigay mashrixiyad ka turjumaysa ahmiyada biyaha iyo sida loogu baahan yahay in la ilaaliyo, waxaana soo bandhigay Kooxda fanaaniinta Qaranka.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

 

Leave a Reply