Wasiirkii Hore Ee Caafimaadka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Ee Congo Oo Lagu Xukumay Shan Sanno

0
460

Congo (Dawan)- Wasiirkii hore ee caafimaadka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa lagu xukumay shan sanno oo uu qabanayo shaqo adag kaddib markii lagu helay inuu xaday in ka badan 400,000 oo doolar oo loogu talagalay in lagula dagaallamo cudurka Ebola ee ka dillaacay dalkaas.

Wasiirkan oo lagu magacaabo,Oly Ilunga iyo la taliyihiisii maaliyadda ayaa dokumentiyo been abuur ah ku qaatay boqololaal kun oo doolar.

Waxay sidoo kale leexsadeen lacago loogu talagalay daabulidda qalabka caafimaadka ee la gaarsiinayay goobaha uu sida ba’an u saameeyay cudurka Ebola.

Waxay labadaba beeniyeen in wax dambi ah ay galeen.

In ka badan 2,200 qof ayaa cudurka Ebola ugu dhimatay gudaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo markii uu bilowday sannadkii 2018-kii. muddo ka badan bil wax kiis ah lagama soo sheegin dalkaas.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply