Hoggaamiyaha UK oo laga Helay Cudurka Coronavirus

0
471

Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa laga helay xanuunka dunida kusii faafaya ee coronavirus, kaddib markii baadhitaan lagu sameeyay.

Mr Johnson ayaa qaba calaamado sahlan oo ka mid ah kuwa uu leeyahay cudurka, wuxuuna si shakhsi ahaan ah isugu karantiimeeyey gudaha xafiiskiisa.

“Waxaa laga baadhay coronavirus kaddib markii uu si gaar ah ula taliyay madaxa waaxda caafimaadka, Chris Whitty,2 ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Boris Johson wali wuxuu sii heyn doonaa xilka iyo maamulka dowladda, xilli lala tacaalayo xasaradaha ka dhashay cudurkan, sida lagu sheegay bayaanka.

Bartiisa Twitter-ka ayuu Mr Johnson ku yidhi: “24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaan isku arkay calaamado aan xoog badneyn waxaana iska baadhay coronavirus. Hadda waan is karantiimay, laakiin waan sii wadi doonaan inaan dowladda ku hoggaamiyo dagaalka ay kula jirto fayraskan, anigoo shirarka uga qeyb qaadan doona muuqaal ahaan.

“Annagoo wadajir ah waan ka adkaan doonnaa arrintan.”

Leave a Reply