Imisa Malyan oo Qof ayuu Ku Dhacay Covid 19?

0
579

Tirada dadka uu ku dhacay cudurka Coronavirus ayaa gaadhay Nus maalyuun Qof iyadoo ay sii kordhayso kiisaska cusub ee cudurka ee Wadamada Maraykanka, Talyaaniga, Spain iyo Iiraan.

Waddanka Maraykanka waxaa la diiwaangaliyay 85 kun oo kiis oo cudurka ah, Halka waddanka Shiinaha dadka uu ku dhacay cudurka ay gaadhayaan 81 Kun oo qof, tirada dalka uu ku dhacay cudurku dalka Talyaaniga ayaa gaadhay 80 Kun qof.

Tirada dadka u dhintay cudurka Coronavirus ayaa hadda gaadhay 24 Kun qof, dalka talyaaniga waxaa cudurka ugu dhintay dad ka badan Sideed kun oo qof, Dalka Spain waxaaa cudurka u dhintay dad ka badan afar kun oo qof.

Sidoo kale dalka Faransiiska ayaa sheegay in tirada dadka ugu dhintay cudurka coronavirus dalkaasi ay gaadhay 1700 qof, sidoo kalena ay kor u kacday tirada dadka uu ku dhacay.

 

Lasoco wixii kasoo kordha

Leave a Reply