Hargeysa (Dawan)- Mudanayaasha Golaha wakiilada Somaliland oo saaka iskugu yimid fadhi aan caadi ahayn ayaa cod ay qaadeen ku diiday inay ansixiyaan labada xubnood ee xibiyada mucaaridka u matali lahaa kominshanka doorashooyinka.
Xubinta xisbiga Waddani ayaa waxa u codeeyey 31 xildhibaan , halka xubinta xisbiga UCID na ay u codeeyeen 29 xildhibaan .
waxana xusid mudan in Xubin kasta oo kominshan ay u baahantahay inay ansixinteeda u codeeyaan ugu yaraan 41 xildhibaan , sidaas-na waxaan ku ansixin labadii xubnood ee xisbiyada mucaaridka u matali lahaa kominshanka doorashooyinka.
Diidmada xildhibaanada ee labadani xubnood ee matalaayay xisbiyada mucaaradka ah ayaa meesha ka saaraysa rajadii laga qabay doorasho dalka ka qabsoonta.
Dawannews Hargeysa office