Madaxa Hay’adda WHO oo Laga Codsaday Inuu Iscasilo

0
482

Dowladda Japan ayaa ku eedaysay Madaxweynaha Hay’ada caafimaadka Adduunka WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus inuu ku fashilmay maaraynta dhibaatada Cudurka Coronavirus (Covid-19).

 

Ku-xigeenka Ra’isul wasaaraha Japan Taro Asoso oo la hadlay barlamaanka Dalkaasi ayaa sheegay in qiimaynta WHO ee faafitaana cudurka Coronavirus aysan ahayn mid ku filan.

Wuxuu sheegay in Lix boqol kun oo qof ay saxiixeen Codsi lagaga dalbanaya madaxa hay’adda WHO inuu iscasilo. Madaxa Hay’adda WHO ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda wadanka Ethiopia.

Dad ka badan 30 Kun oo qof ayaa u geeriyooday cudurka Coronavirus oo bishii December ee sanadkii hore ka dilaacay Dalkaasi Shiinaha ka dibna ku faafay 177 wadan oo caalamka ah.

Leave a Reply