Saudi Arabia oo Gantaallo lagu Weeraray

0
551

Saudi Arabia ayaa sheegtay in nidaamkeeda difaaca cirka uu ka hortagay gantaallo nuuca baalistiga ah oo looga soo tuuray dhinaca dalka Yemen.

WakaaladdSaudi Arabiaa wararka Sacuudiga ayaa sheegtay in gantaalladani lagu soo tuuray gobolka Jizan ee xadka la leh Yemen iyo magaalada caasimadda ah ee Rıyad.
Sacuudigu wuxuu sheegay in laba qof ay kaga dhaawacantay firir ka dhashay gantaallada lagu soo weeraray.

Millatariga Sacuudiga ayaa ku eedeeyay weerarkaasi kooxda Xuutiga Yemen ee taageerada ka hela dowladda Iran oo ay xafiiltan dhanka gobolka ah kala dhaxeeyo Boqortooyada Sacuudiga.

Leave a Reply