Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyada Mucaaradka oo Bulshada uga Digay khatarta Cudurka Coronavirus

0
1135

Hargeysa— Guddiga heer Qaran ee u diyaar-garowga iyo ka hor-tagga cudurka Coronavirus ee Somaliland ayaa joojiyey dadka ka imaanaya waddamada yurub iyo waqooyiga dalka Maraykanka oo cudurku six xawliya ugusii fidaayo .

 

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida heer Qaran ee u diyaar-garowga iyo ka hor-tagga cudurka Coronavirus, Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil Saylici , ayaa  sheegay in laga bilaabo 30-ka bishan March oo ku began maanta la joojiyey dadka  ka imaanaya Qaaradda Yurub iyo Waqooyiga  Maraykanka.

 

“Guddidu waxay qiimayn ku samaysay Rakaabka ka imanaya dalalka Yurub iyo waqooyiga Maraykanka ee u soo safraya Somaliland, oo laga cabsi qabo in qaar ka mid ah rakaabkaasi ay qabaan xannuunka Covid-19 ayaan dalka iman karin. Sidaasi darteed guddidu waxay go’aamiyeen , in laga bilaabo maalinta Isniinta ee taariikhdu tahay 30 bisha seddexaadd aanay dalka u soo safri karin rakaab ka imanaya dhammaan dalalka Yurub iyo waqooyiga Maraykanka.  waxana dhammaan diyaaradaha Somaliland yimaada lagu wargelinyaa in aanay rakaab ku soo socda Somaliland aanay ka soo qaadi karin dalalka Yurub iyo Waqooyiga Maraykanka” Ayaa lagu yidhi War-murtiyeed kasoo baxay xafiiska Madaxweyne ku xigeenka  oo soo gaadhay wargeyska Dawan

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, iyo labada hoggaamiye xisbi-mucaarid , Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo Faysal Cali Xuseen ayaa bulshada reer Somaliland si wada jir ah ugu baaqay in ay ka hor taggaan caabuqa COVID-19, waxana ay kula dardaarmeen in ka hortaggu yahay tallaabada kaliya ee xanuunkaas bulsho ahaan lagaga badbaadi karo.

 

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa shacabka ugu baaqay in ay u hoggaansamaan talada caafimaad ,waxana uu yidhi “Xukuumadda waxa la gudboon diyaar garow ka badan intay samaysay in ay samayso laakiin waxa ugu muhiimsan in muwaadinku qaato fariinta caafimaad ee losoo gudbiyey , waa in ay yaraynaa socodka oo kala fogaana”

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID,Faysal Cali Xuseen ayaa sheegay in dawada ugu wanaagsan ay tahay in qofku is ilaaliyo , waxan uu yidhi “Dawada ugu wanaagsan waa in qofku is ilaaliya taas oo ah in la joojiyo salaanta, meelaha layskugu imaan jiray , waana in ay qaadana taladda guddiga ka hortaga “

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa shacabka ugu baaqay in ay raacan tilmaamaha wasaaradda caafimaadka “Umadda Somaliland waxaanu leenahay aynu raacno talooyinka ay soo bixiyeen guddiga  iyo dhakhaatirteenu si looga nabad gelo dhibaatadiisa , ALLENA hayga badbaadiyo inaga iyo Umadda Islaamkaba” ayuu yidhi

 

 

 

 

Leave a Reply