Tuka-raq: COVID 19 oo laga Wacyigeliyey Ciidanka Qaranka Somaliland

0
517

Laascaanood:- Isu-duwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka ee gobolka Sool oo ay weheliyaan shaqaalaha caafimaadka ee gobolka ayaa kormeer wacyigelin ah ku tagay jiidda hore ee Tukaraq iyo qaar kamid ah Saldhigyada ciidanka.

Isu-duwaha iyo shaqaalaha caafimaadka ee wacyigelinta waday waxaa soo dhaweeyay xubno kamid ah saraakiisha ciidanka qaranka ee Jiida hore waxanay uga mahad celiyeen wasaaradda caafimaadka hawlaha wacyigelinta ciidanka ee khatarka xanuunka Coronavirus.

Hawl wadeenka caafimaadka ee gobolka Sool ayaa ciidanka ku wareejiyay agab caafimaad oo loogu tala galay ka hortagga cudurkaas.

Isuduwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka ee gobolka Sool Maxamuud Xaaji Khaliif ayaa sheegay inay ciidanka ku wacyigeliyeen sidii ay nadaafadda ugu kor ugu qaadi lahaayeen, Isla markaana ay u qaadan lahaayeen Talooyinka ka imanaya bah’da wasaaradda horumarinta caafimaadka ee Ku saabsan xannuunka halista ah ee Covid19, waxaanu ciidanka qaranka uga mahad celiyay sidii ay u qaabileen shaqaalaha xafiiska caafimaadka ee gobolka Sool.

Isu-duwuhu wuxuu intaas ku daray inay wacyigelinta sii wadi doonaan.

Taliyaha aagga bari ee ciidanka qaranka JSL sareeye guuto Cali Barre Xuseen ayaa sheegay in lasoo gaadhsiiyay ciidanka Daawooyin iyo agabkii lagaga hortagayay coronavirus, waxanu uga mahad naqay wasaaradda caafimaadka dadaalka ay ugu jirto sidii bulshada loo wacyigelin lahaa.

Leave a Reply