Wasaaradda Beeraha Somaliland Oo La Tacaalaysa Ayax Ka Dilaacay Xeebaha

0
789

Ceel-Sheekh (Dawan): Wasaaradda beeraha Somaliland ayaa beryahanba ka waday deegaamadda xeebaha dalka olo’ole lagu xakamaynayo Ayax Koron-kor ah oo dhawaan ka dilaacay dhulka xeebta ku teedsan.

Ayaxaasi oo hadda ku jira marxaladiisii shanaad ayaa deegaamadda xeebta ee goboladda Saaxil, Selel iyo Awdal ka dilaacay horaantii bishan, kaasoo weli ku jira xiliga loo yaqaano Koron-korta.

Kadib markii wasaaradda beeraha Somaliland ka war heshay in Ayaxaasi dilaacay, waxay qaaday tallaabo lagu xakamaynayo sidii aanu Ayaxaasi ugu soo fidi lahayn goboladda kale ee dalka.

Sahamin dheer kadib waxa ay wasaaradda beeraha Somaliland soo xaqiijisay in Ayaxaasi Koron-korrada ah uu ka dilaacay oo  laga helay deego ay ka mid yihiin Ceel-sheekh iyo Laanta Morrohda.

Si looga hor tago dhibaatadda ka soo foolka leh Koron-koradaasi waxay wasaaradda beeruhu afartii bishan deegaamadda Koron-kortaasi ka dilaacday u kala dirtay laba kooxood oo watay qalabkii lagula dagaalamayay Ayaxaasi iyo habab kale.

Sida uu sheegay madaxa xafiiska waaxda Ayaxa ee wasaaradda beeraha Somaliland  Mukhtaar C/raxaam Cilmi, oo  u waramay wargeyska Dawan, isagoo ku sugnaa magaaladda Ceel-sheekh.

“Waxaanu bilawnay ol’olahani afartii bishan, anagoo afar kooxood ah. Laba kooxood oo u baxay dhinaca bariga iyo laba kooxood oo u baxay dhinaca galbeedka. Ayaxa waxaa laga helay degaamo ay ka mid yihiin Ceel-sheekh iyo Laanta Morrohda, oo ku taalla Gaarisa galbeedkeedda.

Xeebta galbeed ayay Koron-kortii ka dilaacday. Waxaanay dilaacday bishan horaanteedii. Taasoo imika ku jirta marxaladii shanaad.

Wasaaradda beeruhu markii dadka deegaamadaasi soo sheegeen, waxay diyaarisay afar kooxood oo ka socda wasaaradda beeraha”ayuu yidhi Mukhtaar C/raxmaan Cilmi.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi,  “Laba hab ayaana loola dagaalamayaa Ayaxan dilaacay. Mid ah hab dhaqan oo Tarajee la jeexayo, oo laga jeexayo xagga ay Koron-kortu u socoto, oo ah 1 mitir oo dherer ah iyo 1 mitir oo balac ah.  Koron-kortu way is-daba gashaa oo ma kala baydho, kadibna way ku daadanaysaa, waana lagu aasayaa.

Habka labaadna waxa weeye, iyadoo aanu isticmaalayno daawo dabiici ah oo lagu buufinayo. Taasoo Ayaxa ka xidhaysa Amateedka, kadibna Ayaxu wuu dhimanayaa shan maalmood ka bacdi”ayuu yidhi Mukhtaar.

Geesta kale ol’olahan ay wasaaradda beeruhu kula dagaalamayso Koron-kortani ayaa la filayaa in uu xakameeyo sidii aanu Ayaxaasi ku fidin qaybaha kale ee dalka.

Sida uu sheegayo madaxa xafiiska Ayaxa ee wasaaradda beeraha Somaliland, waxaanu yidhi,  “Wax badan ayay ka tari karaan labadan hab ee aanu Ayaxa kula dagaalamaynaa, in uu faafo. Inta uu Koron-korta yahay, ee aanu duulimaad gaadhin, ayaa ugu haboon in la xakameeyo”.

Koron-kortani oo dhawaan dilaacday ayaan weli gaadhin heer ay duusho, balse haddii aan hadda la xakamayn waxay  si muddo dhaw noqonaysaa Ayax u duuli kara dhul aad u kala fog.

Taasoo waxyeelo iyo dhibaato soo gaadhsiin karta  meelaha daaqa iyo dalagyadda ay dadka beeralayda ahi tabcadeen. Si taas looga hor tago ayay wasaaradda beeruhu ol’olahani ugu qaaday.

Dhinaca kale kooxahan ku hawlan la dagaalanka Ayaxa waxaa wasaaradda beeraha ka gacan siiyay hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin.

Ol’olahaasi ayaa la soo gebagabayn doona horaanta bisha April ee soo socota, sida uu sheegay madaxa xafiiska Ayaxa.

“Ololahan waxaanu soo gebagabaynaynaa 2-da bisha April, haddii ALLE idmo”ayuu yidhi agaasimaha waaxda la dagaalanka Ayaxa ee wasaaradda beeraha.

 

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply