War deg dega: Somaliland oo Calaamadaha Coronavirus ka heshay dad ka yimi Jabuuti

0
583

Hargeysa- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in calaamadaha cudurka coronavirus ay ka heleen dad ka yimi dalka Jabuuti kuwaas oo kasoo galay dhinaca xeebta Saylac .

Guddoomiyaha guddiga ka hortaga cudurka Coronavirus ee Somaliland ,ahna Madaxweyne ku xigeenka dalka , Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil ayaa sheegay in ay karantiimeen saddexda qof ee ka yimi dalka Jabuuti ee ay ku arkeen calaadaha uu leeyahay cudurku .

Dhinaca Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil oo Saylic oo warbaahinta kula hadlay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacygelinta Somaliland ayaa sheegay in ay jiraan saddex qof oo kale oo ay ka shakiyeen kuwaasi oo ay dheecanadooda u direen debadda si loo cadeeyo in ay caafimaad qaban ama uu hayo cudurka dunida kusii fidaaya ee Coronavirus.

 

Saciid Faarax Cagjar

Dawannew.com

Leave a Reply