Xukuumdda Somaliland oo Xidhay Goob Macdaneed oo uu ka Shaqeynayay Ninka Shiinaha ah ee laga Halay Covid-19

0
678

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay in la xidhay goob macdanta laga qodo oo ah meeshii uu ka shaqeynayay ninkii laga helay xanuunka Covid19 ee u dhashay dalka Shiinaha, halka la karantiimeeyay qofkii muwaadinka ahaa ee cudurkani soo ritay.

Sidoo kale wasiirku waxaa uu xusay in xalka kaliya ee lagaga hortagi karo faafitaanka xannuunkan saf-marka ah in ay tahay iyadda oo bulshadu ay joojiso isu-imaatinka aan macnaha laheyn.

Dhanka kale wasiir Koore waxaa uu tilmaamay in ay wadaan qorshe la doonayo in lagu xakameeyo Jaadka dalka soo gala, kaasi oo uu farta ku fiiqay in xalka kaliya ee loo hayaa uu yahay, iyada oo shicib iyo dawladba meel looga soo wada jeesto.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxaa uu sidan ka sheegay wareysi uu siiyay Idaacadda BBC-da.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Illaa iyo hadda qolada dhakhaatiirta caafimaadku cid kale oo baadhitaan ku jirta noomey sheegin, waxaa ay noo sheegeen in ay dib u baadhayaan dadkii ay dadkaasi la kulmeen oo dhan, hase ahaate wax baadhitaan ku jira ma jiro balse labada qof waxaa cad in ay xannuunkaasi qabaan.

Qofkasta oo reer Somaliland ah oo markii hore is diidsiinayayna waxaa aanu leenahay kiisku wuu jiraa, xannuunku wuu ina soo gaadhay, qofkasta meelkasta iyo goobkasta oo uu ku sugan yahay waxaa laga rabaa inuu ogaado in ay masuuliyadi saran tahay isaga iyo qofkiisa, waxaa kaliya ee lagaga hortagi karaana waa in bulshadu joojiso isu imaatinka aan macnaha laheyn, ama qofkasta uu badbaadiyo naftiisa, nafta walaalkii, nafta carruurtiisa, iyo nafta reerkiisa, haddii qofkasta intaa garto masuuliyad aynu wada fuliney ayay noqoneysaa”

Wasiirka mar wax laga weydiiyay waxaa ay go’aan uga gaadhi waayeen imaanshiyaha shirkada duulimaadyada ee Itoobiyaan Airline waxaa uu ku jawaabay “Dhab ahaantii dad reer Somaliland ah ayay markii hore ahaayeen, qofkii oo ku dhex jira safarkiisii saddexdii cisho ama afartii cisho ee ugu danbeeyay ama lacagtii goostay ama garoonka ku jira, waa ay nala noqon wayday in aanu celino, balse waxaa jira qaraar aanu hadda ka hor soo saarnay oo aanu leenahay lama soo qaadi karro rakaab ka yimid, waqooyiga Ameerica iyo Yururb, qaabka aanu ugu talo galeyna waxaa ay tahay dadku duruufo nooceeya ayay ku jiraan, laakiin hadda waanu u gudbiney waananu u sheegnay diyaaradda Itoobiyaan Airlines-na waa ay nala qaadatay oo hada marxaladu meel wanaagsan ayay mareysa”

Wasiirka warfaafinta mudane Saleebaan Yuusuf Cali waxaa kale oo uu ka hadlay qorshaha lagu xakameyn karo Jaadka dalka yimaada waxaanu yidhi “Dadka maanta jooga ee aan anigu ka mid ahay, waayo-aragnimo weyn ayay ka hayaan in aanu dhib yareyn in Jaadka la yidhaaho waala joojiyey, waxaa aanu wadnaa dadaal aanu dadka ku hananayno, hadday tahay umadda aqoonta leh, dhakhaatiirta, culimo-awdiinka, dhammaan dadka wax yaqaana in aanu marka hore meel uga soo wada jeesano, markaa waxaa aanu dooneyna in aanu umadda talo buuxda ula tagno, qaabkii loo xakameynlahaa, iyo sidii loo joojinlahaa”

Khadarhoryaal@gmail.com

Dawan/Hargeysa/Office

Sawirka wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore

Leave a Reply