Guddida wanaag farista iyo Xumaan reebista oo bulshada Baaq u dirtay

0
513

Hargeysa– Guddida wanaagfarista iyo xumaan reebista Somaliland oo bulshada u soo jeediyay waanooyin ku saabsan ka feejignaanta xannuunka Corona Virus iyo fulinta amarada guddida heer qaran ee xannuunkaas Karona Fayras.

Guddoomiyaha guud ee guddida wanaagfarista iyo xummaan reebista Somaliland Sheekh Muuse Jaamac Cabdi, wuxuu sheegay in guddidaasi joojiyeen muxaadirooyinkii ay bulshada ugu qaban jireen goobaha kala duwan ee dalka, maadaama oo arrimaha xannuunka Corona Virus lagaga horgataayo ay ka mid tahay in la yareeyo isku imaatinka bulshada, taas oo ka mid ahayd amaradii ay soo saareen guddida heer qaran ee ka hor tagga iyo u diyaargarawga xannuunkaas.

Guddoomiyaha guddida wanaagfarista iyo xummaan reebista sheekh Muuse Jaamac Cabdi, wuxuu guud ahaan bulshada Somaliland u soo jeediyay inay ku dhaqmaan amarada ay soo saaraan guddidyada heer qaran iyo kuwa heer gobol ee ku wajahan wacy’gelinta xannuunka Corona Virus.

Ugu dambayn guddoomiyaha guddida wanaagfarista iyo xumaan reebista Somaliland wuxuu waalidiinta u soo jeediyay inay ka war hayaan ubadkooda, maadaama oo waxbarashadii la fasaxay, isla markaana aan la ogolayn in dad badani ay goobo ku kulmaan, taas oo keeni karta halis caafimaad.

Leave a Reply