Lamaane Hindi Ah Oo Mataano Ay Dhaleen U Bixiyey Magacyadda Corona Iyo Covid.

0
802

Lamaane Hindi ah  ayaa laba mataano ah oo  u dhashay u bixiyey  magacyadda Corona iyo Covid,  iyaga oo ku sababeeyey bixinta magacan dhibaatadii ay kala kulmeen xanuunkan adduunka faraha baas ku haya.

Cabsida laga qabo labadan magac ayaa ah kuwo caalamka si weyn u gil gilay sannadkan ayaa laga cabsi qabaa in ay saamayn ku yeelato labadan lamaane oo ku nool magaaladda Raipur oo ah caasimadda dawlad degaanka Chhattisgarh, labadan carruur ah ayaan ah gabadh iyo wiil.

Carruurtan oo dhalatay 27 bishii March ayaa kusoo beegmay xili uu dalka Hindiya galay xaalad adag, kadib markii laga helay qaybo kamid ah xanuunka Korona, isla markaana lagu soo rogay bandowga,taas oo keentay in ay meesha ka baxdo noloshii caadiga ahayd ee wadankaasi.

Labadan carruur ah ayaa wiilka loo bixiyey Covid, halka gabadhana loo bixiyey Corona, waxaanay qoyskani sheegeen in ay labadan magac carruurtooda ugu bixiyeen si loogu xusuusto xaaladda adag ee caalamku maanta maraayo.

Xiligii ay hooyadda carruurtan dhashay umulaysay labadan carruur ah waxa ay dhibi ka qabsatay gaadhitaanka cisbitaalka, iyada oo  la joojiyey gaadhigii lagu siday, loona diiday in uu tago cisbitaalka, laakiin nasiib wanaag goor dambe ayaa loo ogolaaday, waxaanay cisbitaalka tagtay iyada oo aad u daalan, halkaas ayaanay ku umushay labadan carruur ah oo caafimaad qaba.

 

 

 

 

Leave a Reply