Saynisyahano Ka Tirsan Jaamacadda Pittsburgh Medical School Oo Ku Dhawaaqday Inay Ku Guulaystay Soo Saarista Talaal Lagula Tacaalaayo Xanuunka Korona.

0
479

Khubarro saynisyahano ah oo ka socda  jaamacadda University of Pittsburgh Medical School ayaa ku dhawaaqay in ay suurto gal tahay in la isticmaalo markii ugu horeysay talaal loogu talo galay in lagula tacaalo xanuunka  Korona Fayras oo ay saynisyahankani sameeyeen.

Talaalkan ayaa maray siday khubarradani sheegeen tijaabadii lagu tijaabinaayey xayawaanka, iyaga oo ku tijaabiyey jiirka cad ee Mice –ka loo yaqaano oo inta badan lagu tijaabiyo dawooyinka lasoo saaro , waxaana la sugayaa in ay ansixiso Hay’adda Cuntada iyo Dawooyinka ee FADA, waxaana qofka ugu horeeya la siin doonaa bilaha soo socda.

Sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay wargeyska Daily Mail oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan  talaalkan ayaa ah mid laga sameeyey Anti-body-ga Fayraskan , iyada oo Anti-body-gaas laga soo qaaday dadkii uu Xanuunkani ku dhacay.

Talaalkan ayaa marka uu qofku qaato jidhka u sahli doona in uu soo daayo Proteins badan, waxaanu si fudud ay unugyadda difaaca ee jidhku u dili doonaan Fayraskan muddo laba toddobaad gudahood ah.

Talaalkan cusub ee loogu talo galay in lagula dagaalamo Fayraska keena Xanuunka Korona Fayras ayaa lagu magacaabaa pittCo Vacc.

Leave a Reply