Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Xidhaysa Ganacsato Amar diido Sameeyey

0
754

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo xubin ka ah guddida u diyaar garowga iyo ka hortaga cudurka COVID-19 ayaa sheegay in ay talaabo adag ka qaadayaan ganacsatada aan weli u hoggaansamin amarad  “garoomad gaarka loo leeyahay hadda wargelin mayno in la xidho waayo hore ayaa xidha loo yidhi , hadda waxa lasoo qabanayaa mulkilayaasha  , hadda waxa aan amar ku bixinaynaa in lasoo qabto dadkii meheradaha ganasi ee bulshadu iskugu timaado dib u furay”

 

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in dawladdu ay talaabo adag ka qaadayso qofkasta oo dhibaato ku ah badbaada iyo badqabka bulshada Somaliland gaar ahaan ganacsatada shillinkooda eegayey ee furay goobaha ay dadku isku imaan karaan

“Dadka meelaha ganacsi ee kulamada sida goobaha ciyaaraha iyo hudheelada iyagu shilinka iyo ganacsiga u furanaaya waa dad aan doonayn badbaadada dalka , qaar laga helay cudurka ayeynu haynaa qaar la baadhayo dheecanadoodu ayeynu haynaa markii ciddii aan ogolayn in umadda badbaado talaabo ayaanu ka qaadaynaa” ayuu yidhi

 

 

Leave a Reply