Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland oo ku Baaqay Midnimo

0
763

Hargeysa-(Dawan)-Guddoomiyaha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa shacabka ugu baaqay inay midnimadooda ilaashadaan, islamarkaana ka dheeraadaan taforaaruqa,

 

Guddoomiye Saleebaan ayaa sheegay in midnimada shacabku ay muhiim u tahay qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu xusay in aqoonsi la’aan aynu kaga soo gudubnay midnimimadeena, “Waxa qudha ee aynnu maanta dugsannaa waa midnimadeenna, 29-kaa sannadoodna midnimadeennaynu kaga soo gudubnay, ictiraaf la’aanta midnimadeennaynu kaga soo gudubnay, wax aynnu u noqonnayna ma jiro, intaa aynnu isku duubannahayna wax ina yeeli karaa ma jiro,” ayuu yidhi

 

Guddoomiyuhu waxa uu farriin u diray madax-dhaqameedka siyaasadda ku hawlan, waxana uu caddeeyey wixii wada-hadal ah ay bulshadu u igmatay madaxweynaha iyo goleyaasha qaranka ee shacabku doortay, “Qarankani cid buu doortay, hawl walba cid buu u doortay, madaxweynaha iyo ciddii uu talo moodo ayaa qarankan wax u tidhaahda, labada golena uma yidhaahdaan, madax-dhaqameedow idinkuna uma tidhaahdaan, aqoonyahan dibad meerayaana uma yidhaahdo, nin kale oo siyaasi sheegtay oo meelahaas meermeerayaana uma odhanayo’e qaranka waxa u yidhaahda madaxweynaha,” ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan.

Leave a Reply