Markab 7 Maalmood Ku Xaniban Dekedda Berbera iyo Sababta

0
792

Berbera (Dawan) Markab u rarna ganacsato badan oo reer Somaliland ayaa todoba maalmooda ku xaniban dekadda magaalada Berbera.

Markabkan ayaa siday shixnado loogu talo galay bisha barakeysan ee Ramadaan oo maalma koobani inaga xigaan.

Agaasimaha urrurka ganacsatada ee Somaliland ee SOFA Kabtan Yuusuf Cali Nuur ayaa faahfaahin ka bixiyey waxaa dhaliyey muranka Markabka mudada todobada cisho ku xaniban dekada Berbera  “Sida aad idinkuba maqasheen waxaa jira Markab Koontiira, oo muddo lix cisho ah joogay una xaniban xisaabaad u dhaxeysa shirkadda D.P.World iyo Bil, islamarkaana alaabtii koontiinarkaasi saarneyd aan la rogin, murankaasi wuu dheeraadey, imika murankii waxaa u fadhiya wasaaradda ganacsiga iyo rugta ganacsiga iyo masuuliyiinta shirkadaha D.P.World iyo Bil”

Halkan ka Daawo

Leave a Reply