New York : Magaalada ugu dhimashada Badan Dunida

0
1138

 

Gobolka New York ayaa noqday gobol ka sara mara dhanka tirada dadka uu soo ritay Corona dalalka kale guud ahaan caalamka marka Mareykanka laga reebo, sida ku cad warbixin la soo saaray.

 

Tirada uu magaalada New York soo ritay cudurka Covid-19 ayaa Khamiistii gaadhay 159,937, taasi oo ka sara martay dalka Spain oo dadka uu cudurka so ritay ay dhan yihiin (153,000 qof) halka Taliyaaniga ay tiradda gaadhay (143,000).

 

Shiinaha oo ah goobtii uu cudurka kasoo bilaabmay ayaa tiradu ahayd 82,000 oo kiis taasi oo micnaheedu tahay in magaalad New York ay ka sara martay dhammaan dalalka kale ee Mareykanka ka baxsan.

 

Guud ahaan dalka Mareykanka dadka uu cudura soo ritay ayaa tiradoodu gaadhay 462,000, halka ay dhimashadu mareyso ku dhawaad 16,500 Iyada oo magaalada New ay hoggaaminayso caalamka tirada dadka uu soo ritay cudurka Corona, dhimashaduna ay taha 7,000

Dhanka kale maamulka magaalada New York ayaa waxay bilaabeen inay xabaal wadareedyo ku aasan dadkii u dhintay xanuunka corona, xilli tirada dhimashada ay wali sare u sii kacayso.

Meydadka ayaa lagu aasayaa jasiiradda Hart iyada oo aysan eheladooda ka qeyb galin.

jasiiradan Hart ayaa lagu aasi jiray dadka ku dhinta magaalada New York ee aan la aqoon eheladooda.

 

Muuqaalo ay soo duubtay diyaarad ah nooca aan duuliyaha lahayn ayaa muujinaya meydadkaasi oo lagu aasayo xabaal wadareedyo.

 

 

Leave a Reply