“Soomaaliya waxanu ku wada hadlayna Fagaare loo dhan yahay” Madaxweyne Biixi

0
735

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa caddeeyey maqifka Jamhuuriyadda Somaliland ka taagan tahay wada-hadal ay la gasho dhiggeeda Soomaaliya iyo sida ay diyaar ugu tahay in fagaare loo wada dhan yahay lagu garnaqsado.

“Waxan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo haddii aanu Somaliland nahay in la wada-hada oo soomaaliya oo hadalkoodu hore u furnaa, muddona aanu hirgelin in la wada hadlo oo danta aanu isku haysanno iyo waxa naga dhexeeya laga wada-hadlo oo wada-hadal lagu dhammeeyo, horena waanu u qaadannay haddana waannu aaminsanahay, diyaarna waannu u nahay, waana mabda’iyan, ma nihin qolo ka baqanaysa fagaare,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu meesha ka saaray tashuushka iyo hadallada sida habaqlaha ah bulshada loogu dhex tuuray ee la xidhiidha wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya oo shakhsiyaad gaar ahi sheeganayaan inay u tafo xaydatay ka midho dhalintiisa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Arrinta Somaliland wax la dhaqdhaqaajin karo ma aha, ninkaa intaa siyaasad ka daya ee kusoo daaya warbaahintuna isaga ayey u taallaa, annaga ma jirto dawlad EGAD ah, ama caalami ah ama Soomaaliya ah oo tidhi shir baynu qabsanaynaa ma qabsannaa, waqtigan imika ah shir la qabtay iyo ballan la qaatay iyo cid rasmi ah iyo cid nala soo xidhiidhay midna ma jirto, warkaasina waa war suuq.”

 

 

 

 

 

Leave a Reply