Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Oo La Wareegtay Ceelal Laga Hirgeliyey Degaamo Kamida Gobolka Awda

0
624

Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland ayaa ceelal cusub oo laga hirgeliyey gobolka Awdal kala wareegtay Hay’adda Hafayooko .

Ceel biyoodyadan ay wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland kala wareegtay hay’addan ayaa laga hirgeliyey degaanadda Dharaar-Waxar  iyo Geed Deeqsi oo ka tirsan degmada Dilla ee gobolka Awdal, waxaana madasha ay wasaaraddu kula wareegaysay ceelashan goob joog ka ahaa Agaasimaha waaxda biyo fidinta ee wasaaradda , Agaasimaha waaxda ceelasha ,Isu Duwaha wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland ee gobolka Awdal , Duqa degmada Dilla iyo sidoo kale bulshada degaanadaasi .

Waxa ugu horeyn halkas ka hadlay , kana warbixiyey ceel biyoodkan ay ka hirgeliyeen degaanka Dharaar waxar  Abiib Jaawi oo ka socday hay’adda Hafayooko , waxaanu tilmaamay in degaankaas ka hirgeliyee taangi 50 foosto qaada iyo ceel   2 km u jira tuuladan, kaas oo ay u sameeyeen dararkii ay xooluhu ka cabi lahaayeen iyo meelihii ay dadku ka cabayeenba, waxaanu masuulkani tilmamaay in ceelkan ay ku sameeyeen Solar  uu kaga maarmi karo shidaalkii uu u baahan lahaa.

Waxa isaguna halkaas ka hadlay Isu Duwaha wasaaradda Horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland  ee gobolka Awdal Maxamed Cumar Dhimbiil , waxaanu tilmaamay in wasaaradda Horumarinta Biyaha iyo Hay’adda Hafayookoba ay ku dedaaleen kana shaqeeyeen sidii ay dadka Tuuladda Dharaar waxar ay biyo u heli lahaayeen.

Dhankiisana Agaasimaha waaxda biyo fidinta ee wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Cabdikariim Maxamed Ducaale  oo goobtaas ka hadlay ayaa hay’adda Hafayooko ku bogaadiyey ceel biyoodkaas  ay ka hirgelisay degaanka Dharaar Waxar, isaga oo ugu baaqay bulshada degaankaasi in ay ilaashadaan ceel biyoodkaas.

Geesta kalena waxay Hay’adda Hafayooko wasaaradda Horumarinta Biyaha ku wareejisay ceel biyood ay ka fulisay degaanka Geed Deeqsi , isaga oo sidoo kalena ka warbixiyey mashaariicda kale ee ay ka fuliyeen degaankaas.

Masuuliyiinta ka socday Wasaaradda Horumarinta Biyaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa si rasmi ah labadan Ceel ugala wareegay Hay’adda Hafayooko oo iyadu hirgelisay ceelashan.

Leave a Reply