Selal: Agaasimaha guud ee Wasaaradda biyaha oo dhagax-dhigay lix mashruuc, kuwo kalena kormeeray

0
714

Saylac(Dawan)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Biyaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Cabdi Ismaaciil oo usbuucii labaad ku gudo jira kormeer-howleed oo uu ku marayo gobolada dalka, ayaa mashaariic hor leh ka dhagax-dhigay degmooyinka Gobolka Selel, halkaasoo uu sidoo kale kormeeray barmaamujyo biyo-balaadhin ah oo ay wasaaraddu wado.
Agaasimaha ayaa kormeerkiisa ku gaalaa-bixiyey degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Selel, sida Xariirad, Lughaya, Saylac iyo degmooyinka kale, waxaanu goob-goob u tegay guud ahaan xarumaha ilo-biyoodka u ah degmooyinka iyo deegaamada hoos-yimaada, isagoo warbixin ka dhegeystay maamuleyaasha heer degmo, Gobol iyo tuullo oo uga xogwaramay baahiyaha dhanka biyaha ee jira iyo wixii hore loo qabtay.

Axmed Cabdi Ismaaciil, waxa uu lix mashruuc oo lagu kobcinayo adeegyada biyaha ka dhagax-dhigay deegaamada Deegaamada Habaas iyo Jidhi, halkaasoo laga hirgelinayo ilo-biyoodyo u qaybsama Waraabka Dadka iyo Duunyada.
“Sharafbay noo tahay mudane Agaasime in aad Gobolka Selel, gaar ahaan degmada Saylac noogu timi adigoo lix mashruuc sidda, waa farxad gooni ah. “reer habaasna waxaan leenahay baahi badanbaad u qabteen “sidaasi waxa yidhi Badhasaabka Gobolka Selal Mowliid oo ka hadlayey munaasibad ay isaga iyo Agaasimuhu deegaanka Habaas ugu dhagax-dhigeen Kayd biyood oo loogu talo-galay in ay Dadka iyo Xooluhuba ka cabaan.
Guddoomiye Mowliid, ayaa sheegay in gobolku baahi badan u qabo dhanka horumarinta Biyaha.
Agaasimaha guud oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay “mashaariicda aanu u soconaa waa horumarinta Biyaha, waxa ay isugu jiraan qaar hore u soo socday iyo qaar iminka la bilaabayo. lixdan mashruuc oo kaliyana umaanu socone waliba waxa idheer in aanu qiimayno maxaa baahiya ee ka jira khayraadka biyaha gobolka Selel”
Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu iftiimiyey in ay jiraan caqabado iyo fursado dhanka biyaha ah oo ka jira gobolka, xukuumaddana doorkeedu yahay in aanay hagran wixii ay qaban karto ee gacanta ugu jira “baahiyo badan runtii way jiraan, horumar badana wuu jiraa, markaa waxaanu ku dedaali doonaa wixii aanu gacanta ku hayno ka xukuumad ahaanna in aanu dhagax-dhigno wixii kalena qorshaha ku darsano”

“runtii siyaasadda qaranka ayey kamid tahay balaadhinta Biyuhu, runtiina baahida biyuhu wax walba waa ka weyn tahay”ayuu yidhi mar kale sheegay isagoo ka hadlay deegaanka Jidhi oo uu ka furay dib-u-habayn lagu sameeyey Riigga biyaha ee tuuladaasi.
Geesta kale, xubno isugu jira maamulka Tuullooyinka mashaariicda laga dhagax-dhigay, Odayaasha iyo waxgaradka ayaa si diirran u soo dhaweeyey waxqabadka dawladdu u fidinayso, waxaanay sheegeen in ay rejjo iyo yihdi-diilo hor leh u tahay.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Dhanka kale,Agaasimaha ayaa ka hor intii aanu gaadhin gobolka Selel, socdaal ku sii maray gobolka Awdal, halkaasoo uu sii kormeeray ceelal biyood oo ku yaala Dila, Magaalo-cad, Qolu-jeed, Fiqi-aadan, kuwaas oo ay u kuur galeen isaga iyo weftigiisu xaaladda ceelasha iyo waxyaabaha u baahan in wax laga qabto, si loo horumariyo ceelashaasi

Sidoo kale agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland wuxuu si rasmi ula wareegay maamulkii biyaha degmada dila, kaas oo ay gacanta ku haysay dawlada hoose ee degmadaas, waxaanu maamulka biyaha degmada dila ku wareejiyay Axmed Barkhad oo noqon doona maareeyaha cusub ee biyah degmada Dila.
Gobolada Sool, Sanaag, Saaxil iyo Togdheer, ayuu sidoo kale todobaadkii la soo dhaafay kormeerkiisan howleed ku soo maray, waxaanu dhagax-dhig, daah-fur iyo qiimeyn ku soo sameeyey howlaha biyo-balaadhinta ee ka socda goboladaasi, iyadoo dhinaca kalena Wasaaraddu deegaamada xuduudaha ku yaalla geystay Tawaangi iyo agabka nadaafada, si dadka soo gelaya dalku isugu soo nadiifiyaan, qorshahaasi oo ah mid wasaaradda horumarinta biyuhu ugu talogashay ka hortaga cudurka Corona Virus.

 

Leave a Reply