Xildhibaan Xasan Shahar oo Digniin u jeediyey Bulshada, maxaa soo kordhay?

0
821

Hargeysa(Dawan)-Xildhibaan Xasan Cali Cabdi (Xasan Shahar) oo ka tirsan Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa, ayaa sheegay in ay dawladdu qaadayso talaabooyin toos ah oo lagu fulinayo awaamiirta la xidhiidha xakamaynta cudurka Covid19.

Waxa uu sheegay in dadka ka dhego adaygay talooyinka iyo awaamiirta loo jeediyey, gaar ahaan Ganacsatada iyo dadka ka xoogsada suuqyada, laga qaadi doono talaabo adag oo ay ku waantoobaan, taasoo looga gol leeyahay in la badbaadiyo nafaha dadka.

“Ilaa iminka wacyi-gelinteenu may gaadhin dadkii loo baahnaa in ay gaadho, in badana dawladda hoose iyo guddida qaran iyagoo wareegaya magaalada dhexdeeda amma buufinaya waa la arkay”ayuu yidhi Xildhibaan Xasan.

Xildhibaanka ayaa intaasi ku daray “maanta shirkii aanu galnay waxa laysla qaatay in la fuliyo go’aamadii wacyi-gelinta ahaa ee muddada dheer aynu dadkeena u sheegaynay oo si dhab ah loo fulinayo”.

Xasan Cali Cabdi oo hadalkan ka jeediyey munaasibad Dallada isku-xidhka Haweenka ee Negaad ku daah-fureen Ololle wacyi-gelin ah, ayaa isagoo sii wata yidhi “cidii la yidhi halkaa ka fadhiisanin ee amarka qaadan wayday, cidii la yidhi waar raashinka aad iibinayso gacantaada ka daa, dadkii la yidhi kala durka, inta waxaad moodaa in aan hadalladu hoos u gelin dadkeena.

Sidaas darteed waxa la bilaabi doonaa Ololle, waxa la qaadi doonaa talaabo cad, waa lays-ganaaxi doonaa, waana lays xidh-xidhi doonaa. haddii aynu wanaaga waxba ku garan wayno dawladdu waxay isticmaalaysaa awooddeeda, iyadoo dadkeeda u tudhaysa ujeedada ay u socotaana tahay in ay dadkeeda badbaadiso.”

Xasan Shahar, ayaa sheegay in aanu jiri doonin tudhaale loo samaynayo badbaadinta nafaha umadda “Qofka doonaya in uu dadka sadheeyaa sow in laga qabto maaha. guri kasta waa laysa saaran yahay laakiinse meelaha dukaamada ah ee laga adeegtaa waa meelaha inta badan wax laysugu gudbin karo”ayuu raaciyey.

Gebagebadii waxa uu shacabka Somaliland, gaar ahaan dadka ku dhaqan caasimada ugu baaqay in ay is-xakameeyaan, una dhego-nuglaadaan tallooyinka iyo awaamiirta ka-hortaga cudurka Corona-virus.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Hadalka xildhibaanka ayaa noqonaya farriintii ugu adkayd ee ka soo baxa Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa oo todobaadyadii u dambeeyey ku howllanaa ololle nadaafaddeed oo ay suuqyada waaweyn ka fulinayeen.

Guud ahaanba Somaliland waxa la xaqiijiyey laba Kiis oo la xidhiidha cudurkaasi, hase ahaatee waxa ay dawladdu ku foogan tahay dedaal xooggan oo loogu jiro sidii bulshada loogu wacyi-gelin lahaa in ay qaataan talaabooyinka lagaga hortegi karo cudurkan.

Leave a Reply