Hargeysa oo laga Hirgalinayo Jaamacad Nooceedu ku Cusub Yahay Dalka

0
1434

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha jaamacada Qur’aanka ee magaalada Hargeysa, Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin, ayaa dadka muxsiniinta ah ugu baaqay in ay ka  qayb qaataan dhismaha jaamacad lagu baran doono  Quraanka Kariimka iyo Qowlka ALLE.

Jaamacaddan oo ah tii ugu horeysay ee nooceeda ah ee laga dhiso magaalada Hargeysa ayaa ah mid u reebaan barashada Kalaamka ALLE ee naxariista badan.

Dhinaca kale culimaa’u-diinka waa weyn ee dalka ayaa habbeen iyo maalin ku hawlan sidii ay bulshada ugu wargelin lahaayeen ka qayb qaadashada dhismaha jaamacaddan iyo hirgalinteeda.

Jaamacadani ayaa ku taala gudaha magaalada Hargeysa, gaar ahaan badhtamaha suuqa Waaheen.

Guddoomiyaha jaamacada Qur’aanka ee magaalada Hargeysa Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin ayaa  bulshada Muslimiinta ah ka codsaday meel kasta oo ay joogaan inay ka qayb qaataan dhismaha Jaamacadda Quraanka Kariimka ah ee magaalada Hargeysa ‘’Waa markii ugu horeysay ee gayigan laga aasaaso jaamacadda  magaca Al Qur’aan, Kitaabkeeni magicii wadata, ujeedada loo hindisayna waxaa ay tahay ardaydii markii ay Quraankii dhammeeyaan ma helayaan waxbarasho sare sida ardayda kaleba ay shahaadooyin u sii qaataan, maaddama hadda caalamul shahaadaad aynu joogno, ardaygii waxaa la doonayaa Tafsiirkii inuu xafido, oo macnaha Quraanka waxaa uu xafidsan yahay horta uu barto, waayo isaga iyo qofkii kale ee bartay waxba kuma kala duwanaanayaan hadii aanu macnihii heynin, waxaananu hiigsaneyna in ardayda jaamacaddan ka baxda sida jaamacaddaha kale ee caalamka ay shahaadada koobaad iyo talabaadba ay ka qaataan iyaga oo dhammeystay Jamacadda Quraanka kariimka ah’’

guddoomiyaha Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaasi kui daray  ‘’Jaamacadu waxaa ay heysata dhul ilaa afar balooga oo la doonayo in loo dhiso, cida la doonayaa inay dhisaana waa dadka muslimiinta ah, meel walba oo ay joogaan, waxaan ugu baaqayna umadda Soomaaliyeed jaamacaddaasi oo laga hirgalinayo magaalada Hargeysa looguna talo galay umadda Geeska Afrika oo dhammi inay soo hiigsato oo ay noqoto meel ay Qur’aanka ka bartaan’’

khadarhoryaal@gmail.com

Dawan/Hargeysa/Office 

Sawirka magaalada Hargeysa/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan
Sawirka gudoomiyaha jaamacadda Quraanka Kariimka ah ee magaalada Hargeysa Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin/xuquuqda sawirka wargeyska Dawan

Leave a Reply