Yemen oo qofkii ugu horeeyay laga helay cudurka Coronavirus

0
514

Dalka Yamen ayaa laga xaqiijiyay kiiskii ugu horeeyay ee Cudurka dunidda kusii aafaya ee Covid-19, Dawlada dalka Yamen ayaa sheegtay in kiiskaan laga helay koonfurta Dalka Yaman.

“ Bukaanka waxaa la geeyay goob karantiil ah waxaana la raadineynaa dadkii uu la macaamilay.”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan caafimaadka ee WHO.

Gobolka uu ku nool yahay qofkan laga helay Covid-19 ee Hadramuut ayaa waxaa saameyn xoog leh ku yeeshay macluul iyo cuduro ka dhashay dagaalada sokeeye ee mudada dheer ka socday Dalka Yaman.

Leave a Reply