“Waxan idin leeyahay Xamarna maan tagin, Xilna umaan doonan” Taliyihii hore ee Sirdoonka Somaliland

0
703

Taliyihii hore ee sirdoonka qaranka JSL General Jaamac Maxamed Bootaan, ayaa beeniyay warar laga baahiyay oo sheegaya in xil looga dhiibay saldhiga weyn ee ay dawladda Turkigu ku leedahay magaalada Muqdisho.

Wararkan loogu Faafay Warbaahinta Maxliga ah ee Somaliland iyo Soomaaliya ayaa wuxuu General Bootaan ku tilmaamay kuwo la been abuuray.

 

“Anigoo ah Jeneral Jaamac Maxamed Bootaan, oo ahaa taliyihii hore ee sirdoonka qaranka JSL, waxaan cadaynayaa inaanay waxba ka jirin wararka la qoray ee sheegaya inaan  shaqo sare ka helay xarunta saldhiga ciidamada ee Turkiga ee Muqdisho ku yaala oo aan qaatay dhalasho Turki ah. Waxaan beeninayaa wararkaas.” ayuu yidhi

 

Taliyihii hore ee Sirdoonka oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi  “Waar waxaan idin leeyahay Xamarna maan tagin, xilna umaan doonan, dhalasho Turki ahna maan qaadan. Markaas waxaan halkan ku cadaynayaa inaanay waxba ka jirin wararkaas balse ay yihiin kuwo been abuur ah, ciddii samaysay wararkaasna waa lala xisaabtami doonaa oo sharciga ayaan la tiigsan doonaa.”

 

General Jaamac Maxamed Bootaan oo ku sugan dalka debadiisa ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in qof waliba sidiisa mashquul ugu yahay sidii uu uga feejignaan lahaa xanuunka COVID_19

 

Leave a Reply