Maaha Inaan Ogaado Deeqdan!

0
605

Gabadh sabool ah aya idaacadda ka codsatay in looga sii daayo in la soo caawiyo iyada caruurteeda faqiirka ah.   Markii uu cinwaankeeda helay ayuu nin shuuci ah oo maalqabeen ahi doonay inuu ku dheedheelo. Xoghayntiisa ayuu ku amray inay raashin ku filan oo nooca kasta leh u qaadan, waxaana uu siiyay amaro iyo tilmaamo.

Wuxuu Shuucigan maalqabeenkaa ahi ku yidhi markay idin weydiiso yaa iigu deeqay raashinkan?  Waxaad  ku odhan doontaa “ Shaydaan ayaa kugu deeqay”. Isgoo rabay in islaantu argagaxdo oo laga yaabo inay tidhaa iga celiya hadda xoolo shaydaan cuni maaye!.

Markii Islaantii ay u geeyeen way soo dhowasay, wayna kala wareegtay iyadoo farxsan. Markii ay weydiin wayday qofka ku soo kaalmeeeyay inay u sheegaan, ayuu xoghaynta ninka Shuuciga ahi ku yidhi “ Miyaanad na weydiinayn cidda kuugu deeqday Raashinkan faraha badan ?” Islaantii waxay ugu jawaabtay “ Maya , muhiim ma ah , maxaa yeelay, marka Allah (sw) arin doono, xataa Shayaadiinta ayu kuu sakhriya si ay kuu badbaadiyaan” . Xikmaddu waa in aad ogaato in Risiqa Allah bixiyo oo kuugu soo dhiibayo makhluuqiisa kii uu doono.

Leave a Reply