Muftiga Sacuudiga oo Go’aan ka soo saaray Salaadda Taraawiix-da

0
644

MAKKAH (Dawan) Muftiga ugu weyn Saudi Arabia Sheekh Cabdilcasiis  Al Al-Sheekh, ayaa sheegay Salaadda Taraawiixda ee bishan Ramadaan iyo midda Ciidul Firtiga lagu oogi doono guryaha, haddii faafitaanka cudurka Coronavirus uu sii socdo, waxaa sidaas werisay wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganeysa wargeyska Okaz ee Sacuudiga.

“Salaadda Taraawiixda Ramadaanka waxaa lagu tukan karaa guriga, haddii aan lagu gudan karin Masaajidada, sababo la xiriira tallaabooyinka la qaaday ee lagula dagaalamayo faafitaanka Coronavirus,” ayuu yidhi Sheikh Cabdilcasiis Al Al-SheEkh oo ka jawaabaya su’aal arrintan laga weydiiyey.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Salaadda Ciidul Fitriga-na ay la mid tahay, sida uu qoray wargeyska.

Bisha barakeysan ee Ramadan ayaa billaabaneysa toddobaadka soo socda hadii ILLAAHEY yidhaaho.

Sacuudi  Carabiya ayaa bartimihii March joojisay in shanta salaadood ee maalinlaha ah iyo salaada Jimcaha lagu tukado masaajidada, taasi oo qeyb ka ah dadaallada lagu xadidayo faafitaanka Coronavirus.

Waxay sidoo kale joojisay Cumaradii iyo booqashadii Masjidka Nebiga NNKH, ayada oo la hakiyey dal-ku-galka la siin jiray dadka dibedda ka imanaya, si ay usoo booqdaan labada Xaram.

Dalka Sacuudiga ayaa waxaa laga diiwaan-geliyey 6,380 kiis oo ah cudurka COVID-19, iyo dhimashada 83 qof oo la xiriira cudurkaas.

REUTERS

Mohamed Bin Salman oo gacan qaadaya Sheikh Abdulaziz Al al-Sheikh

Leave a Reply