
Tirada dadka u dhintay cudurka Corovirus ee caalamka guud ahaan ayaa kor u dhaaftay 140 kun qof sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Jaamacada Hopkins University ee dalka Maraykanka.
Cudurka Covid-19 ayaa tirada dadka uu ku dhacay waxay kor u dhaaftay labo Milyan oo qof, waxaana ilaa hadda ka bogsooday dad gaadhaya 532,000 kun oo qof guud ahaan adduunka.
Dalka Maraykanka ayaa tirada dadka u dhintay Cudurka waxay gaadheen 35 Kun qof, Wadamada kale uu saameeyay waxaa ka mid ah dalka Talyaaniga oo dadka cudurka u geeriyooday ay gaadheen 22 Kun.
Wadamada Faransiiska,Ingiriiska iyo spain ayaa tirada dadka cudurka uga geeriyooday waxay kor u dhaafeen 40 Kun qof iyada oo guud ahaa uu cudurku saameyay 185 waddan oo caalamka guud ahaan