Somaliland Qiimaha lagu Raaco Basaska oo kor u Kacay

0
861

Hargeysa (Dawan) Dhawaan ayey aheyd markii xukuumadda Somaliland soo saartay go’aan tiradda rakaabka raacaya gaadiidka u kala googasha, gudaha magaalada Hargeysa iyo gobolada iyo degmooyinka kale ee dalka.

Istaanada basaska laga raaco ayaa la geeyay ciidamadamada nabad-geliyada wadooyinka iyo kuwa booliska oo hubbinaya tirada rakaabka ee raacaya basaska.
Iyada oo bas kasta loo ogol yahay shan iyo toban qof oo kaliya, islamarkaana wixii ka badan laga dejinayo.

Sidaasi oo ay tahay hadaba waxaa kordhay qiimaha lagu raaco baska kaasi oo noqday saddex kun oo shilinka Somaliland ah, halka uu markii hore ka ahaa laba kun oo shilinka Somaliland.

Ilaa hada ma jirto cid ka hadashay korodhka qiimaha basaska, iyada oo ay dhawaan uun aheyd markii la isla qaatay in aan wax saayida lagu darin qiimaha baska lagu raaco.
Korodhkani ku yimid basaska u kala goosha gudaha magaalada Hargeysa, ayaa culeys ku noqday danyarta.

Sidoo kale gaadiidka basaska ee iyaguna u kala baxa gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa qiimahoodu kordhay.

Sawirka Basaska caasimada Hargeysa iyo kuwa gobolada dalka iyo degmooyinka dalka u kala goosha oo qiimahoodu kordhay

Khadarhoyaal@gmail.com

Dawan/Hargeysa/Office

Leave a Reply