Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Waddani , Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ee ku dirirraaya deegaanka Fadhi-gaab ee gobolka Sanaag .
Guddoomiye Cirro ayaa Xukuumadda Somaliland usoo jeediyey in ay talaabo adag ka qaado dirrirta soo noqnoqtay ee ka jirta deegaanka hoos taga degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag oo baaqeeda ay u bedesho Ficil lagusoo afmeero dirirta.
Guddoomiye Cirro waxa uu sheegayin arrintaasi ay tahay masiibo qaran , kaasi oo xusay in ilmihii ku dhashay colaadaasi uu qaangaadh ku dhow yahay , waxanu dadka deegaanka ugu baaqay in ay ka wantoobada Colaada, dagaalka iyo Nacaybka dhexdooda la dhigay .
Halkan ka Daawo Muqaalka oo dhammaystiran