Daawo: Guddoomiye Cirro oo Xukuumadda ugu Baaqay Ficil

0
1190

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Waddani , Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ee ku dirirraaya deegaanka Fadhi-gaab ee gobolka Sanaag .

 

Guddoomiye Cirro ayaa Xukuumadda Somaliland usoo jeediyey in ay talaabo adag ka qaado dirrirta soo noqnoqtay ee ka jirta deegaanka hoos taga degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag oo baaqeeda ay u bedesho Ficil lagusoo afmeero dirirta.

 

Guddoomiye Cirro waxa uu sheegayin  arrintaasi ay tahay masiibo qaran , kaasi oo xusay  in ilmihii ku dhashay colaadaasi uu qaangaadh ku dhow yahay , waxanu dadka deegaanka ugu baaqay in ay ka wantoobada Colaada, dagaalka iyo Nacaybka dhexdooda la dhigay .

 

Halkan ka Daawo Muqaalka oo dhammaystiran

Leave a Reply