Dowladda Somaliland oo Ka Hadashay Xoolaha Sucuudigu Fasaxay

0
603

Xukuumadda Somaliland ayaa soo dhawaysay xoolaha Soomaalida ee dowladda Sucuudiga ay dib u fasaxday muddo saddex bilood oo xayirnaayeen ka dib.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga , Siciid Sulub ayaa sheegay in Somaliland ay si weyn usoo dhawaynayso xayiraada uu Sucuudigu ka qaaday xoolaha Soomaalida .

Wasiir Siciid Sulub ayaa sheegay in Boqortooyada Sucuudiga ay Jamhuuriyadda Somaliland u fasaxday in xoolaha ay soo dhoofiso , iyada boqortooyayda Sucuudiga fasaxday Xoolo tiradoodu dhan yihiin lix boqol oo kun oo adhi ah iyo boqol kun oo geelle

Boqortooyada Sucuudigu ma cadayn in si rasmiya loo furay suuqa xoolaha ee Soomaalida iyo in ay ku eg yihiin tirada ay codsadeen in lasoo dhoofiyo

 

Saciid Cagjar

Leave a Reply