Xukuumadda Somaliland oo ka Hadashay Colaada Deegaanka Ceel-Afweyn

0
802

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland mudane Boos Mire Maxamed ayaa beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay deegaanka Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag ugu baaqay inay joojiyaan colaada.

Wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha mudane Boos Mire isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Waad ogeedeen hawsha meeshaasi dadka ka gaadhay, in badan ayaa nabadgeliyada lagala shaqeeyay, bulshada reer Somaliland ee Suldaan, Culimo, iyo cid walba leh, ay gashay waanay dhammaatay.

Hadana waatan imika dib u bilaabantay gaar ahaan degaanka Fadhigaab, ILLAAHEY waxaan uga baryeyna in dadkaasi uu u soo celiyo iimaanka, oo qalbigooda isu soo xaadho, waa bishi Shabcaan oo Ramadaana ay ku xigto, in ILLAAHEY halkaasi inagaga dhammeeyo, iyagana waxaa aanu leenahay waar caqligu ha shaqeeyo, la is dil, la is dil hadana la kala tegi waa ILLAAHEY-ba idinku abuuray marka u danbeeyana waad wada joogi doontaan waxaanu leenahay caqligu ha shaqeeyo oo nabadgeliyada halaga taliyo, oo xabada hala joojiyo”

khadarhoryaal@gmail.com

Dawan/Hargeysa/Office

Sawirka wasiirka wasaaradda dhaliyaradda iyo ciyaaraha mudane Boos Mire Maxamed

Leave a Reply