Shirkad Itoobiyaan Ah Oo Khudrad Ku Caawisay Somaliland

0
683

Hargaysa (Dawan): Xukuumadda Somaliland ayaa maanta shirkad laga leeyahay dalka Itoobiya kala wareegtay Khadrad kala duwan oo ay shirkadaasi ku caawisay Somaliland.

Shirkadaasi oo magaceedda la yidhaahdo Omotic Organic Food waxaa deeqdaasi Khudaarta ah  kala wareegay guddoomiyaha hay’adda ka diyaar garowga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Somaliland.

Khudradaasi ayaa la gaadhsiin doonaa xarumaha ay ku jiraan dadka Dhimirka ka buka, xaafadaha dadka danyarta ah ay ku nool yihiin iyo  xarunta agoomaha Hargaysa.

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply