Somaliland: Taliyaha Booliska Oo Awaamiir Kala Duwan Faray Ciidamadda

0
686

Hargaysa (Dawan): Taliyaha ciidamadda qaranka Somaliland sareeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa faray qaybaha kala duwan ee ciidamadda booliska in ay u diyaar garoobaan hawl adag iyo shaqadoodii oo laban-laab ah.

Tallaabadaasi ayuu taliyuhu ku sababeeyay curashadda bisha Ramadaan oo boolisku sida caadiga ah hawl-galadda kordhiyaan iyo arrinta isku imaatinka bulshadda lagu yaraynayo ee xanuunka Corona awgeed.

Sareeye guuto Daba-gale, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta taliska guud ee ciidanka booliska ee Hargaysa, ayaa sidoo kale hanbalyo u diray guud ahaanba ciidamadda booliska, saraakiisha, dableyda, askarta iyo xaasaskoodaba curashadda bisha Ramadaan awgeed.

 

Taliye Daba-gale Oo Arrimahaas iyo Qodobo kale Ka Hadlaya:

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply