Badhasaabka Sool Oo Bulshadda Ugu Baaqay In Ay U Hogaansamaan Tallooyinka Caafimaad Ee Covid-19

0
483

Laascaanood (Dawan): Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa caawa kulan la yeeshay dhakhaatiir ka socday guddiga heer qaran  ee ka diyaar garowga Corona Virus iyo guddiga heer gobol ee ka hor tagga caabuqaasi.

Kulankaasi oo muddo saacado ah socday ayaa si qoto dheer la iskula faaqiday arrimaha u qabsoomay, khatarta sii kordhaysa ee gobolka Geeska Afrika ee Covid-19 iyo sidii la iskaga moosi lahaa.

C/qani Maxamuud Jiidhe, oo ka warbixiyay u jeedadii kulankaasi iyo qodobadii ay ku naaqisheen xubnahan dhakhaatiirta iyo guddiga ka hor taga Corona Virus, ayaa sheegay in ay isla qaateen sidii feejignaan dheeraad ah looga yeelan lahaa faafitaanka xanuunkaasi.

Iyadoo laga duulayo khatarta xanuunkaasi iyo saamaynta balaadhan ee dalalka inala deriska oo sii kordhaysa darteed in bulshadda gobolka Sool looga baahan yahay sidii ay ugu dhego nuglaan lahaayeen tallooyinka caafimaad.

Badhasaabka Sool  oo kulankaasi ka warbixinayay, waxa uu yidhi “Waxaan caawa  kulan aan la yeeshay, dhakhaatiirta ka socday guddiga heer qaran iyo guddiga heer gobol ee ka hortegga Covid-19.

Shirka oo noo bilawday afurkii isla markaana aan ilaa cashada wada gaadhnay, si qoto dheer ayaanu isula eegnnay arrimaha qabsoomay, khatarta sii kordhaysa ee gobolka ( Geeska Afrika) ee Covid-19 & sidii aynu iskaga moosi lahayn”.

C/qani Jiidhe, ayaa baaq u diray bulshadda gobolka Sool, waxaanu yidhi, “Bulshada gobolka Sool, waxaan ku boorinayaa inay feejignadaan, oo ay u dhega nugladaan go’aamada guddiyada loo igmaday iyo talooyinka caafimaad ee ku saabsan Corona-ha .

Saddexda dal ee jaarka inala ah Somaliya, Ethiopia iyo Djabuuto, ah oo kiisaska laga helayo ay kor u sii kacayso, lagu-na daray kiisaska gudaha dalka laga helay ayaa astaan u ah in aynu ku jirno xaalad aan caadi ahayn u baahan heegan iyo ka hortag culus”.

Geesta kale  guddoomiyaha Sool ayaa ku adkeeyay dadweynaha in aan wixii hadda ka danbeeya ay la qaadi doono tallaabo kasta oo waajib ah oo lagaga hor tegi akro caaquba Covid-19.

“Ma eegan doono, wixii aan laga maarmi karin marka laga tego, in aan daawano sifo kasta oo qayb ka noqon karta faafinta xannuunkan saf marka ah .

Waxaana waajib nagu ah in aynu qaadno talaabo kasta oo aynu kaga hortegi karno khatarta cudurka Corona-virus” ayuu yidhi C/qani Jiidhe.

Ugu danbayn, badhasaabka ayaa bulshadda gobolkaasi ugu baaqay in ay ducadda iyo ALLE bariga badiyaan, isla markaana dadka tujaarta ah ay caawiyaan walaalahoodda baahan fadliga bisha Ramadaan awgeed.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Ugu danbayn waxaan idinku baqayaa ka faa’iidaysiga, badinta ducada in Rabbi xannuunkan inaga hayo iyo masiibo walba.

Si gaara Ramadanta oo ah bil naxariis inta Rabbi wax siiyay waxaan ka codsanayaa inay caawiyaan dadka dan yarta ah”.

 

Leave a Reply