Xikmada Maanta

0
4023

Xikmad:  Boqor kasta oo weyni wuxu ahaa ilma yar oo ooyaya, dhisme kasta oo adagani wuxuu ahaa meel banaan. Muhimadu maaha waxa aad maanta tahay waa wax aad noqon doonto berri.

 

Xikmad; Awood uma lihid inaad bedesho muuqaalkaaga si aad u noqoto kan dadka ugu quruxda badan laakiin waxaad awood u leedahay inaad bedesho dhaqankaaga si aad u noqoto kan dadka ugu akhlaaqda wanaagsan.

 

Xikmad:  Shimbiruhu waxay cunaan qudhaanjada, laakiin markay dhintaan qudhaanjada ayaa cunta, sidaasi ayay duruufaha dunidu isu bedelaan  .   Nin ayaa saaxiibkii ku yidhi isagoo fooq  hoos jooga, xagee ayaynu ku maqnayn markii la qaybsanayay xoolaha fooqyadan lagu dhistay?  Saaxiibkii ayaa gacanta qabtay oo geeyay Isbitaal  u dhowaa waxaana uu ku yidhi : “ Xagee ayaynu ku maqnayn markii waxan oo xanuun ah la qaybinayay?  Haddaba mar kasta Allah (sw) u mahadnaq.

Nabiliyonki Yurub  xukumi jiray qarniyadii dhexe ayaa yidhi :” Taariikhdu waa been la ururiyay oo haddana la isla ogolaaday”.

Leave a Reply