Dawladda Sucuudiga oo Joojineysa Ciqaabta Karbaashka

0
525

Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa meesha ka saareysa ciqaabta karbaashka sida laga soo xigtay dukumiinti sharci ah oo ay heleen warbaahinta.

Maxkamadda ugu sarreyso dalkaasi boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegeysa in karbaashka lagu baddali doono xabsi ama ganaax.

Dukumiintiga ayaa waxaa ku qoran in tallaabadani ay ka mid tahay isbadallada xuquuqda aadanaha ee ay keeneen Boqor Salmaan iyo wiilkiisa

Dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya ay nambar kow ka tahay dunida marka ay timaaddo tacaddiyada ka dhanka ah xuquul insaanka.

 

Isha Warka BBC

Leave a Reply