“Nolosha aanu ku Noolahay Aakhiro ILLAAHEY wuxuu yidhaahaba Adduunka ma Fiicna”Aabo Daahir Cumar Seed

0
1734

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Sidii caadada ii aheyd waxaa aan u kala hay xaafadda Shacabka ee magaalada Hargeysa (Gobolka), si aan uguto hawl maalmeedkayga joogta ah ee raadinta, wararka, warbixinooyinka xaqiiqada ku dhisan ee aan mar walba sida joogtadda ah aan ula wadaago bulshadeydda.

Waxaa igu dhalatay in aan ka war-doono duruufaha dhanka nolosha ee ay ku nool yihiin qaybaha kala duwan ee bulshada xaafadda isku-raranta State House ee magaalada Hargeysa.

Intaasi kadib waxaan u jiheystay dhankay iga xigto xaafadda isku-raranta State House ee magaalada Hargeysa oo aan socodkeygii u bilaabay, markii aan gaadhay afaafka hore ee laga gallo xafadaasi waxaan la kulmay odayaal shaah ka cabayasha meherad yar oo Makhaayada, waxaan aan la wadaagay xogta aan u socdo oo ah ka war-doonista duruufaha dhanka nolosha ee bulshada xaafaddani ku nool.

Mid ka mida odayaashi goobtaasi shaaha ka cabayay ayaa waxaa uu mar kaliya ku dhawaaqay ‘adeer wax warbaahinaba ma araggne ILLAAHEY-ba kadinka nooga soo kaa galiey, kheyr ALLAH haku siiye dadku way kala jilicsan yihiin, laakiin oday aad ula dadaala dhacaya nolosha qoyskiisa ayaa xaafadda nala degan ee kaalay aan bal soo eegno waxaa saaka waa ugu barye.

Hadii aan cabaar daba socday odaygii oo aad talaabada u dheeraynaya ayaa waxaa aanu albaabka ka galay, meel yar oo oodan, Isheyduna markiiba waxaa ay qabatay Buul yar oo dhinacyada ka ban-banaan, oo uu dhabka iyo dhica ciida ku hayo nin aan marka da’aah ku qiyaasay ilaa 40-jir, oo wax dhulka ka xiga aanu jirin, hadii ay noqoto Caw, Buste, Kartoon ama wax kaleba, balse ninku waxaa uu ahaa nin madaw diif iyo daryeel la’aani ay ka muuqato, hilib iyo haragna ka tagay, maryaha uu xidhan yahayna aanay ishaadu jecleysaneyn, timuhuna aad ugu baxeen islamarkaana ay mar-marmeen midabkooduna cadaan noqday.

Bariido kadib ninkan Aabihi oo ka soo baxay jiingad-yar oo bila, sibidha, bila siliiiga, iyada lafteeduna aan dhismaheedu wanaagsaneyn ayaa yidhi adeer maxaad aheydeen?
Intaasi kadib waxaa aanu uga waramay xogta aan u socday oo aheyd ogaanshiyaha xaalada nololeed ee bulshada xaafadan.

Aabo Daahir Cumar Seed waxaa uu hadalkiisa ku iba furay in xannuunkan halleelay wiilkiisa uu muddo sodon sanadood ah la dadaala dhacayay, islamarkaana isaga oo arday ah la haleelay una maaro laa’yahay ilaa hada, una waayay waxaa ugu yar ee dhulka leyska xigsiiyo oo ah caw “Wax itaala ama aduuna oo meel uga yimaadana ma jiro ee ninkaygan ayaa u itaala, meelahaasi ayaan uga soo Dawarsada oo aan halkan ugu keena, dhakhtarka marbaan ku dayay wax ay tahayna garan maayo”

Waxaa uu si muruga-leh oo indhihiisa ay ilmo ku taagneyd iga waramay marwadiisa uu aadka u jecla Marwo Xawlo Xirsi oo 80-sano jira oo muddo 10-sano ah u jiifta xannuun halleelay qol Jiingada oo aan kuleyl iyo qabow midna aan xejineyn “Dadeeduna waa 80-jir wax aduuna iyo wax ciidana oo u maqanina ma jiraan, ninkaygaa ka dada weyn ayaa itaal u noqday, ana waxba waan qaban kari laayahay, teydana waala arkaya teedana waala arkaya mustacajil ayaanu u nahay cidii wax nala qaban kareysa, wiilka sodonka sano xannuusanayana iyadda uunba dhashay.

Wax alaale wax itaala iyo awooda oo aan dhakhtar ku mariyo waan waayay, ‘cidna uma maqna ceelna uma qodna ee ninkeygaasi uunba u xooga’, nolosha aanu ku noolahay aakhiro ILLAAHEY wuxuu yidhaahaba adduunka ma fiicna, cunadda iyo biyaha sida aanu ku hela waa suqu-qul, habeena waanu cuna habeena waanu qadna, anigu itaal aan ku shaqeeyo malihi ee waan u Dawaro tagaa, soodiga i arkaya maalin maalin ayaan idhaaha waar yaa Islaama ee wax haya”

Aabo Daahir Cumar Seed waxaa u la daala dhacaya samata-bixinta nolosha marwadiisa iyo wiil ay dhashay, oo xaaladoodu adag tahay, oo labadooduba xannuun halleelay la jiifa, waxaa uu ku taraana ay tahay isaga oo qof aad u daweyna inta uu suuqyada tago uu bulshada gacmaha hoos qabsado oo uu yidhaaho wax igu tara.

Aabo Daahir Cumar Seed, waxaa uu hadal iigu soo gaba-gabeeyey “Nolosha aanu ku noolahay aakhiro ILLAAHEY wuxuu yidhaahaba adduunka ma fiicna”

Marka walaalayaal qofkasta oo uu soo gaadho qoraalkani koobani ILLAAHEY dartii haw gaadhsiiyaan bulshadda inteeda kale si loo caawiyo qoyskani.

Waxaa aynu ku jirna bishi barakeysneyd ee Ramadaan waxaa uu ka mid yahay qoysaska aan dabka shidan ee ku nool xaafaddan isku rararnta ah.

Cidii dooneysa in ay la xidhiidho ama ay wax ku tarto ha kala soo xidhiidho telefoonkeyga gacanta maada aanu heysan wax telefoona oo lagala xidhiidha, aniggana taf-xal kheyr uunbay iga tahay 0634812207.

Aniga ayaa u geynaya cidii u baahan in ay ILLAAHEY hortii bisha barakeysan ee Ramadaan wax ula baxdo.

Khadarhoryaal@gmail.com

Dawan/Hargeysa/Office

Sawirka aabo Daahir Cumar Seed oo la daala-dhacaya duruufaha nololeed ee ku xeeran qoyskiisa/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan
Sawirka Aabo Daahir Cumr Seed iyo marwadiisa oo xannuun la daala-dhacaysa mudo toban sano ah, islamarkaana uu waayay awood dhaqaale oo uu dhakhaatiirta ku geeyo/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan
Sawirka Aabo Daahir Cumar Seed/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan una baahan gar-gaar isaga iyo qoyskiisuba.
Sawirka Hooyo Xalwo Xirsi, ahna islaanta aabo Daahir Cumar Seed, oo uu waayay awood dhaqaale oo uu ku geeyo goobaha adeegyada caafimaad bixiya, si uu u ogaado xannuunkeedu waxaa uu yahay/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan
Sawirka Aabo Daahir Cumar Seed iyo Marwadiisa wakhtigii uu iga waramayay duruufaha isaga iyo qoyskiisa la dariska ah
Sawirka Hooyo Xawlo Xirsi/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan
Sawirka Aabo Daahir Cumar Seed iyo wiilkiisa oo muddo 30 sano ah xannuun haleelay la jiifa, kadib markii loo waayay awood dhaqaale oo dhakhtar lagu geeyo, goobtan uu jiifa waa buul yar oo aanay dhulka waxba uga hooseyn/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan
Sawrka Wiilka uu dhalay aabo Daahir Cumar Seed oo u jiifa xannuun halleelay muddo sodon sano ah/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan

 

Leave a Reply