Deegaanka Dumarku Ilaaliyaan

0
548

Koox  dumar ah oo ku sugan deegaanka Odisha ee dalka Hindiya ayaa muddo 20 sano ilaalo ka ahaa kaynta halkaasi ka baxda.

Kooxda Haweenka ayaa sameeyay nidaam roondo ah oo ay ku wareegaan kaynta iyagoo ku hubaysan Ulo adag, iyagoo is bedelaya kaynta mangaar iyo casuarinas. Waxaana ay ka isla markaana sida ciidanka isu bedelaya, si aanay dhirta deegaanka ku taalla aanay u goyn dadka sida koontarabaanka ah uga ganacsada looxa dhirtan laga sameeyo.

Sanadkii 1999  deegaanka Odisha waxa ku dhuftay duufaan xoogan kaasi oo burburiyay dhamaan guriyihii ay dadku degenaayeen wixii ay hanti iyo raashin haysteen, waxaana ay keentay in dhowr maalmood ay raashin iyo hoy la’aan ku jireen bulshada degaanku.

Dadka tuuladan degenaa ayaa ku badbaaday kaynta jiqda ah ee halkaasi ka baxda, waxaana taasi ay keentay inay iyaguna mudadaasi wixii ka danbeeyay ay xil iska saaraan inay ilaashaadaan dhirta ay ku badbaadayaan.

Kooxdan dumarka ayaa iyagu hawshaasi dhabarka u ritay madaama ragu ay hawl kale ku mashquulsan yihiin. Sanadkii 2001 ayay 70 dumar ah oo deegaanka ka tirsani sameeyeen guddi ilaalisa dhirta, waxaana guri kasta laga soo kexeeyay hal qof oo dumar ah.

Muddo ku dhow 20 sano kadib duufaanada halista ku ahaa Odisha, ayay dhirtu ka difaacaysaa xoogga dabayshooda.    Gabadha lagu magacaabo Charulata Biswal oo 52 sano jirtay kana mid ah kooxda dumarka ah ayaa iyadoo u waramaysa weriye tidhi :”  Waxaanu ku garaacnaa usha qofka kasta oo doonaya inuu xado dhirta ama waxyeelo kale u geysto, Kooxda dhirta gooya way naga baxsadaan marka ay  maqlaan codkayaga iyagoo ka baqanaya in aanu ulaha si guud ula dhaco,   “thelogicalindian.com”

 

 

Leave a Reply