Wasaaradda Caafimaadka oo digniin u dirtay Cisbitaalada Dawladda

0
502

Hargeysa- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa Maamulada Cisbitaalada dawladda uga digtay in ay lacag qadaan maydka lagu rido tagaalada qaboojiyaha .

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Xarunta Wasaaradda ayaa sheegay in aan la ogolayn in lacag laga qado Maydka ku jira qaybta qaboojiyaha ee maydka lagu rido .

“talaagada Maydka looma isticmaali karo wax lacag ah ee ay tahay lacag la’aan wixii ku baxaaya ay bixinayso wasaaradda horumarinta Caafimaadka , lacaga laga qadaayo qofku ma jirto , hadday hore u dhacdayna waa khalad” ayuu yidhi

 

 

Leave a Reply