Boorama Nadaafad xumo ka jirta Xaafada Faarax-yood oo xannuuno Sababtay

0
617

Borama (Dawan) Xasan Xuseen Cali waa aabe lixdan iyo laba jir ah oo qoyskiisu ka kooban yahay 8 ruux, kaa soo degan xaafada Faaraxyood oo ku taala waqooyiga magaalada Borame ee gobolka Awdal, wuxuu kamid yahay ilaa 200 oo qoys oo xaafadaasi degan, Xasan iyo qoysaska kale ee la degan faaxadu waxay caqabad kala kulmayaan qashinka lagu daadiyo godka qashinka Borama oo xaafadahooda u dhow, godka ayaa buuxsamey waxaana dabayshu banaanka u soo saartaa qaar ka mid ah qashinka godku ka buuxsamey taas oo dhibaatooyin kala duwan ay ku qabaan dadka degan xaafadaasi.

Xannuuno loo sababayno qashinka oo uu kamid yahay shuban caruurta ku dhacaya, dadka waa weyn oo samboor ka qaadaya, wasakhowga hawada xaafadaasi oo uu sababay qaac ka baxa dab mararka qaar lagu shido godkaasi qashinku buuxiyey iyo xoolaha oo cuna bacaha iyo waxyaabaha kale ee halkaasi lagu daadiyo ayaa kamid ah caqabadaha ay qoysaska halkaasi degan kala kulmaan godkan sida uu Radio Ergo u sheegay Xasan Xuseen oo 3 da ilmood ee ugu yar caruurtiisu hadda la xanuunsanayaan, shuban uu aaminsan yahay in qashinku sababay.

“Saddex qof oo ciyaalka kuwii ugu yar-yaraa ayaa iga xannuusanaya, qufac iyo shuban iyo indho xannuun saddexdaasi baa ugu daran, waxeyna ka qaadeen qiiqa iyo qashinka goobta yaala, gobolka iyo degmada waanu ku qayliney, odayaal baan ugu tagney, haween baa tagey cabasho badan baan bixiney cid wax ka qabatayna ma jirto”Ayuu yidhi aabo Xasan Xuseen Cali.

Xuseen iyo dadka degan xaafada ayaa ka walaacsan qashinkan iyo inaan cidi waxba ka qaban, bulshada xaafada oo is abaabuley ayaa hor istaagey baabuurta qashinka soo qaada ee godka ku shuba taas oo sababtay in ciidamo ka socda Dowlada Hoose ay tageen xaafada 10-kii bishan April “Markaan wax badan qaylinay cid wax noo qabata manaan arag, markaan is aabaabulayna ciidan baa naloosoo diray, wax aan samayno ma naqaan hada, ILLAAHEY iyo dawlada dhexe ayaanu u cabanaynaa in qashinkaas nalaga maareeyo, oo meel kale la geeyo, xannuun baan ka qaadney mid labaad xanuunka imka na haya waxa nagaga daran xanuunka iminka aduunka sameeyey ee dhibta adag ku haya ayaaba hogaan u yahey, hadiiba aan anagu qaadno magaalada waa wada saameynayaa cabashadana cid hoos u eegeysa oo ka mida gobolkana waan laanahey”
Caasha Muxumed Axmed ayaa sidoo kale ka mid ah dadka caqabadaha ku qaba godkan qashinku buuxiyey, nadaafad xumo joogto ah ayay sheegtay inay kala kulmaan godkan iyo qashinkiisa taas oo sababtay in cunada ay karsan kari waayaan maalintii.

Hooyo Caasha Muxumed Axmed iyada oo arrimahaasi ka hadlaysa waxaa ay tidhi “Waxaanu ku qabnaa dhibaato weyn oo weyn oo aan la soo koobi karin ayaan u qabnaa goobta qashin qubka waxa weeyaan wax alla waxa qashina bari iyo galbeed joogta magaalada Qudhunkeeda ayaa la keena, wax kale ba ha joogeene bahal duqsi ah oo qashinkan sababay ayaanu cuntadii la karsan kari weynay, hadaad jikada gasho malaayiin duqsi ah baa weelkii kaa qarinaya”

 

Caasha ayaa ka digeysa halista caafimaad darro ee ay dareemayaan xiligan iyadoo codsatay in Dowlada Hoose wax ka qabato qashinkan buux dhaafiyey xaafada Faaraxyood ee magaalada Boorama.

“Waxa u horeeya ee aan ka cabaneyno waa Shuban, Cabudh joogta ah, Hargab, Dukhsi, qashin carruurtii oo naga shubanta iyo hargab aan ka baxeyn baan ka cabaneynaa”Ayey tidhi.
Bahda caafimaadka ayaa walaac daran ka muujinaya halista caafimaad ee ka dhalankarta godka qashinka oo dad badani dhex degan yihiin, Dr. Mustafe Xuseen Xoogsade oo la hadley Radio Ergo waxa uu bulshada iyo maamulka degmada Borama ee khusayso uu u soo jeediyey talooyin lagu xakameyn karo loogana hortagi karo xanuunada kala duwan ee ka dhasha goobta qashin qubka

Dr. Mustafe Xuseen Xoogsade waxaa uu si weyn uga digay halista caafimaad ee goobtaasi ka soo fool leh waxaanu yidhi “Waxa jira dad masaakiina oo taga goobta qashinka oo waxyaabaha hadhaagee anfacaya ka soo gurta, kolkaa dowlada waxaan odhan lahaa dadkaasi waa in la kaantaroolo waayo? dadkaasi waxa meeshii jira irbado dad lagu soo mudey dadkaasi xanuuno kala duwan bay qadi karaan oo xannuunadaasi irbadahaasi hadii ay mudaan ka qaadi karaan waana halis in iribadaha iyo cusbitaalada Private-ka la controlo meeshay ku ridaan la controlo oo ay dowladu la socoto goob gaarana lagu rido, hadii ay dadkii tagaan waxaad arkeysaan carruurihii jaarka lahaa oo afuufeysa oo Gloves-kii ama shan faroodkii afuufeysa waxa laga yaabaa in qof lagaga dhaliyey ama qof gaara loogu shaqeeyey qofkaasina xanNuun gaara qabey, xaNnuunkaasi ilmihii yaraa ama hooyadii ay qaadeysaa in markaa arrinkaana aad looga digtoonaado oo caruuraha ku ag ciyaarayana aad looga ilaaliyo goobta qashinka”

Radio Ergo ayaa mar ay wax ka wadiisay Duqa degmada Saleebaan Xasan Xadi dhibaatada ka dhalatey godka qashinka Boorama wuxuu ku jawaabay “Gudi bay leedahey xaafadu guddidiina saaka si fiican baan isku aragney laakiin saaka oo dambeysay gudida waan is aragney wanan ka wada hadalney godka qashinkana dhib kale maahinee magaalada gaadhey, kol hadey magaaladii gaadhey in badana la isticmaalayey hadana mar labaad sidii kanba hada loo soo rarey godka qashinkana loo sii raraa waa wax waajiba oo anaga na saraan, Shirkadaha Qashinka waxaan ku wacyigalineynaa godka qashinkaa qashinka ha garab dhigine gaadiidka qashinku halkeeda dhigaan, markaa cabashadooda dacwadahooga iyo umuurahooga balamahaga aan u qaadney way kala duwanyihiin, qaarkood waxaan u balan qaadney in qashinka godka lagu rido oo meel soke aan la dhigin, qaakood waxaan u balan qaadney oo ay leeyihiin waar godkii haba nagala raro gabigiisaba,g odkana waxaan ugu talo galney in aan meesha ka rarno hadii ILLAAHEY yidhaaho”

Xigasho Radio Ergo

Leave a Reply