Xukuumadda Somaliland oo Dawladda Shiinaha ka Dalbatay Dhakhaatiir Caafimaad

0
752

Hargeysa (Dawan) Dawladda Shiinaha ayaa Somaliland soo gaadhsiisay agab caafimaad oo kala duwan islamarkaana lagaga hortago faafitaanka xannuunka safmareenka ah ee Covid-19.

Wasiiradda wasaaraddaha caafimaadka iyo arrimaha dibada Somaliland iyo safiirka Shiinaha u qaabilsan Somaliland ayaa si wada jira deeqdani caafimaad uga gudoomay jaaliyada dalka Shiinaha ee ku sugan gudaha dalka.

Safiirka Shiinaha ee Somaliland mudane Cawil ayaa ugu horeyn u mahad celiyay jaaliyada Shiinmaha ee agabkan caafimaad soo gaadhsiisay waxaanu caddeeyay in codsiyo badan ay u direen dawladda Shiinaha, kuwaasi oo ku saabsan ka hortaga xannuunka Covid-19 “Somaliland waxaa aynu wada og-soonahay halista xannuunkani iyo sida ay lagama maarmaan u tahay inaynu meel uga soo wada jeesano la dagaalankiisa shacab iyo dawladdba, sidaasi darteed anaga oo gudanayna waajibaadkayaga shaqo, waxaanu sameynay xidhiidho badan oo aanu ku codsaneyno agabka lagaga hortago xannuunka safmareenka ah ee Covid-19, kanina waa mid ka mid ah uun codsiyadii aanu gudbinay MAANSHA ALLAH, waxaa xusid mudan masuuliyadani maaha mid saaran masuuliyiinta Qaranka oo kaliya, ee waa mid saaran muwaadinkasta oo reer Somaliland ah”

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibada Somaliland mudane Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa u mahad celiyay jaaliyada Shiinaha ee ku nool gudaha dalka Somaliland, waxaanu tilmaamay in agabkani yahay ka hortag balse qalab kale oo lagu baadho xannuunkani in ay soo gaadhsiin doonaan waddanka “Waxaa la sugaya in ay timaado kana heer sareysa tan, inkasta oo uu qalab wanaagsan yahay hadana waa kii bilowga ahaa, hase ahaate qalab waa weyn oo ka qayb qaadan karra daweynta iyo la tacaalista xannuunka hadii uu yimaadana waa lagu maqan yahay”

Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland mudane Cumar Cabdillaahi Badde, ayaa daboolka ka qaaday in dawladda Shiinuhu hawl badan geliyeen sidii ay Somaliland u heli laheyd agabka lagaga hortago xannuunka Covid-19, isaga oo xusay in ay Shiinaha ka dalbanayaan in uu ka caawiyo dhakhaatiir aqoon fiican u leh la tacaalista xannuunka Covid “Waa agab dhammeystiran oo laga yaabo ilaa laba kun oo qof ay isticmaali karaan agabkaasina waad ku mahadsan tihiin ayaanu leenahay, dawladda Shiinaha waxaa aanu uga baahanahay waa farsamadii oo inay dhakhaatiir keenaan, inay dad khuburo ah keenaan, oo wasaaradda caafimaadka kala taliya arrintani sida loo maamulayo loona wajahayo mushkiladan, waxaa kale oo aanu ka codsanayna in agabka xannuunkani lagu baadhayo tababarkiisa iyo hawlihiisa ay qayb ka noqdaan”

Leave a Reply