Somaliland: Masaajid laga Joojiyey Ku Tukashada Salaada

0
813

Boorama- Masaajidka Huda oo kamid ah Masaajidada magaalada Boorama ee gobolka Awdal, ayaa xalay si rasmiya looga joojiyey ku tukashada salaada Taraawiixda.

Culimada masjidkaasi gacanta ku haysa maamulkiisa ayaa sheegay inay markii ay ka tashadeen xaalada taagan, ay go’aansadeen in Masaajidka laga xidho salaada Taraawixdo oo aan lagu tukan.

Waxayna ku baaqeen in guryaha lagu tukado salaada Taraawiixda, xiliga uu jiro cudurka faafa ee Covid-19, maadama uu cudurkaasi si fudud ugu dhex faafayo bulshada badan.

Sheekh Maxamed Siciid ‘Saaweer’ oo kamida ah maamulka masaajidka Huda, isla markaana ah Imaamka masjidkaasi, ayaa si cad u sheegay in shanta salaadood ee kale sidoodii loogu tukan doono masaajidka, balse laga joojiyo uun salaada Taraawiixda.

Go’aankaasi ayaa ku soo beegmaya xili uu cudurka Coronavirus uu ku faafay deegaano ka tirsan Somaliland, iyada oo qofkii u horreeyay ee cudurkaasina ugu geeriyooday magaalada Boorama.

Masjidka Huda ee magaalada Boorama ayaa noqonaya masaajidkii u horreeyay ee gudaha Somaliland laga joojiyo ku tukashada salaada Taraawiixda.

Leave a Reply