Omaar International oo noqotay Shirkaddii labaad ee taakulo ka geysatay la-dagaalanka COVID19

0
1275

Hargeysa(Dawan)-Shirkadda Omaar International, ayaa noqotay Shirkadii labaad ee agab caafimaad iyo taakulo kale oo la xidhiidha xakamaynta iyo ka hortagga cudurka Corona Virus ku wareejisay Dawladda tan iyo markii xannuunkaasi ka dilaacay wadamada geeska Afrika oo ay Somaliland kamid tahay.

Horaantii bishii April, waxa guddida dawladda ee xakamynta Corona Virus shixnad ka kooban agabka difaaca covid19 ku wareejiyey mulkilaha Shirkad ka shaqaysa xawilaadaha lacagta, kaasoo keenay qalab lagu qiyaasay ilaa hal milyan oo isugu jira maryaha Gafuurka lagu daboolo iyo cinjirka gacmaha lagu xidho.

Shirkadda Omaar oo kamida sharaa’igga waaweyn ee soo dejiya badeecadaha daruuriga ah, gaar ahaan noocyada raashinka iyo qalabka dhismaha, ayaa todobaadkan dalka keentay shixnadii ugu horaysay oo ay ugu talo-gashay xoojinta xakamaynta qaran ee cudurkaasi, kuna wareejisay dawladda, iyadoo sidoo kalena qaybo kale oo kamida mucaawimadaasi dalka keenaysa.

Sidaasina waxa sheegay madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Axaddii la soo dhaafay wariyeyaasha kula hadlay xarunta Wasaaradda horumarinta caafimaadka.

Madaxweynaha oo wax laga waydiiyey mucaawimooyinka dawladda ka soo gaadhay dibada iyo gudaha ee la xidhiidha la-dagaalanka cudurkaasi iyo sida loo maamulay, ayaa xusay in ay dawladdaha Turkiga, Imaaraadka iyo Qatar oo aanay wali soo gaadhsiin taageeradoodu ay keeneen mucaawimo, dhanka gudaha Shirkadda Omaar iyo ganacsade kale agab taakulo ah keeneen.

“Ganacsatadeena Shirkadda Omaar shalay buu keenay qaybtii ugu horeysay, in kalena dhexday ku soo jirtaa oo baabuurbaa xagga djibouti ka soo qaaday malaha oo uu soo saaray, xooggeediina wuxuu yaallaa Faransiiska oo waxa la sugayaa in ay Airfrance ka soo qaato oo ay Djibouti keento todobaadkan si baabuur loogaga soo qaado.”ayuu yidhi Madaxweyne Muuse oo Shirkadda Omaar ku amaanay sida ay isu xil-qaantay iyo kaalinta ay qaadatay.

Madaxweynaha ayaa cadeeyey in aanay ilaa iminka ganacsatada kale ee dalku wax gacan ah ka geysan dedaalka lagula tacaalayo xakamaynta cudurka Covid19 “Ganacsatadii kale howshoodii waa la sugayaa oo way isku maqan yihiin kooda weyn iyo kooda yarba waa la sugayaa, laakiinse ganacsatada wixii wax keenay waanagaa sheegnay oo waa yaallaan, wax dhaqaale ah oo ay soo qoondeeyeena ma jiro, laakiinse waanu isla qaadanay”.

Madaxweynuhu wuxuu ka garaabay in xayiraadaha ka dhashay faafista cudurkani saameyn ku yeellatay ganacsatada laftooda, marka horena aanay lahayn itaal lagu barbar dhigo baayac-mushtarka caalamka “waxaa aynu tijaar leenahay marka adduunka loo eeggo iyaga laftooda iska waxoogaaya marka caalamka loo eegayo”.

Shirkadda Omaar, ayaa todobaadkan sheegtay in dalka keentay badeecad xajmigeedu wakhti dheer ku filan yahay bulshada, haddii uu sii socdo bad-xidhanka uu sababay cudurka Corona Virus, sidoo kale ay dedaal ugu jiraan sidii looga gaashaaman lahaa incunto yaraani dalka soo food saarto.

Maamulaha guud ee Shirkadda Omaar Maxamed Cali Muxumed, oo waraysi bixiyey 30-kii bishii April, ayaa tilmaamay in ay ka diyaar-garoobeen shirkad ahaan xanibaadaha caalamka uu ku keenay cudurka Covid19, horena u sii qadimeen dalabbaadkoodii badeecadaha daruuriga ah.
“Ilaa iminka wadan ahaan iyo ka shirkad ahaanba raashinkii quutal-daruuriga ahaa wuu inoo yaallaa oo dedaalkii hore ee aanu samaynay ee aanu u soo qadinay dalabaadkeena ayaa inoo sahlay in ay alaab badani inoo timaado oo aynu ku meel-gaadhi karno inta uu fur-furanku dhacayo.

filashada aanu haynaa iyaduna waxa ay tahay in wadamada aanu badeecadaha ka keenaa hakinayn oo ay doonayaan in dhaqdhaqaaqii ganacsigoodi sii socdo, waayo iyagana danbaa ugu jirta”ayuu yidhi Maamulaha Shirkaddaha Ominco oo la hadlay Telefishan ku hadla afka Soomaaliga oo laga leeyahay gobolka Waqooyi-galbeed ee dalka Kenya.

Maamuluhu isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu tilmaamay in aanay samaynin shirkadoodu wax shaqaale dhimis ah, isbedel dhanka dhaqaalaha ahina aanu soo food-saarin “Anagu ka shirkad ahaan waxba maanu dhimin ganacsigii iyo wax-soo-saarkii wershadaba sidiisiibuu u socdaa, wax shaqaale ah oo la dhimayna ma jirto, shirkad ahaana wax dhibaato ah oo aanu dareenay ma jirto”ayuu raaciyey.

Markii ay dabeysha faafitaanka Cudurka Corona iyo caqabadaha dhanka ganacsiga ee uu sababay ku dhufatay Somaliland, waxa jiray welwel laga qabay in la waayo cuntooyinka daruuriga ah ee dibada laga keeno, sida alaabta ay keento Shirkaddan Omaar oo u badan raashinka isticmaalkiisu ugu badan yahay, caanaha, Kalluunka qasadahaa ku jira iyo qalabka dhismaha.

Waxa kale oo la saadaaliyey in badeecadahaasi uu sicirkoodu cirka isku-shareero, hase ahaatee waxa arrintaasi ka hiiliyey oo walaacii bulshada qaybaheeda meesha ka saaray, sharaa’ig ay shirkadda Omaar ugu horayso, kuwaasoo dawladda iyo shacabka u cadeeyey in aanay jirin cunto yaraan laga cabsoodaa wakhti dhow.

Kaalinta labaad ee ay Shirkadda Omaar qaadatayna waa taakulada ay ka geysatay xakamaynta cudurka ee heer qaran oo ay shirkaddaha kale ee lamidka ah ku hogaamisay in ay ku daydaan, wallow aan wali tujaarta kale wax bixin xaalada lagu jiro la xidhiidha lagu mahadin.
dabayaaqadii Bishii April, ayey ahayd markii ganacsatada Somaliland oo dhan kulan ka dhacay qasriga madaxtooyada loogu bandhigay qorshaha dawladda lagaga gaashaamanayo saameynaha isbarkan ee cudurka Covid19, iyadoo kulankaasi ganacsatada loogu beyaamiyey qadar dhaqaale oo kaga soo hagaagay mashruuc loo bixiyey Miskiin-kalkaal oo lagu caawinayo qoysaska danyarta ah ee uu dhaawaca dhaqaale la soo dersay.
Sida uu madaxweyne Muuse sheegay ganacsatadu wali kamay soo jawaabin qorshaha sanduuqa caawinta masaakiinta in ay kaga qayb-qaataan loogu bandhigay, taasoo qoondadiisu ahayd hal mil iyo badh lacagta Dollar-ka ah.

W/Q: Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

Leave a Reply