Maxay Xayawaanku Ku Ogaadan Qofka Dhintay?

0
587

Haddii aad tahay bukaan jiif  lagu dawaynayo xarunta caafimaadka ee Rhode Island’s Steere House Nursing and Rehabilitation Center ee dalka Maraykanka, waxaad la kulmaysaa Noole aanad awoodi Karin inaad ka joojiso sariirtaada.

Noolahan ayaa la soconayaa xaaladaada caafimaad iyo sida ay isu bedelayso, waana bisadda lagu magacaabo Oscar.  Maaha saaxiib laakiin waa dhakhtar ka tirsan xarunta sida uu sheegay Dr.David Dosa.

Oscar waxay leedahay awood cajiib ah oo ay ku garato qofka dhimanaya. Bisadan ayaa sii  ogaatay 50 bukaan kuwaasi oo ay soo dhowaatay wakhtiga geeridooda Sida lagu daabacay Wargeyska Telegraph iyo New Englnad Journal Of Medicine.

Bisadda Oscar waxa ay u adeegsan jireen kalkaaliyaasha Xaruntu inay ku ogaadaan qofka ay dhawdahay wakhtiga uu dhimanayo.

Dr.Thomas Graves oo ka tirsan University of Illinois ayaa u sheegay BBC-da in bisaduhu ay garan karaan marka uu buko saaxiibkooda iska leh, iyo marka xayawaan kale buko.

Waxa kale oo uu sheegay inay ogaan karaan marka cimiladu is bedesho, iyagoo leh dareen xoogan oo ay ku ogaan karaan dhul gariir marka uu jiro.

Dr.Teno aya isna  yidhi  “Waxaan filayaa inay jiraan dheecaano qofka dhimanaya ka soo baxa ka hor inta aanay naftu ka bixin taasi ayay urinaysaa bisadani”. Sidaasi ayay ku garan kartaa qofka dhimanaya.  Bisadaha ayaa leh dareemaha urinta oo ka xoog badan kan aadamiga iyo xataa xayawaano badan oo kale. Bisadan ayaa laga qoray Buuga lagu magacaabo The strange Cat, ( Bisadii Yaabka lahayd) waxaana laga sameeyay daraasad cilmi ah oo dhamaystiran.

 

Leave a Reply